Aadamuhu Noloshii Waxa Uu Soo Mara 10 Nooc Oo Ah Jacayl Mid Kastaa Da’ Kula Soo Bilowdo (Q:1aad)

0
821

Picture9Hargeysa (Geeska)- Dhakhtar ku takhsusay cilmi nafsiga oo magaciisa la yidhaahdo, John Jury ayaa buug uu qoray oo la yidhaahdo, "Sida aad ku heli karto waxa aad rabto una jeclaan karto waxa aad hayso" waxa uu kaga hadlay jacaylka iyo sababaha keena in bilowga hore ee lammaanaha uu ahaado mid diirran aadna u firfircoon, kadibna guurka dabadii isugu beddelo mid qabaw, oo dadka midiba si u macnaysto. Dhinaca Dr. John waxa uu buuggiisa ku caddeeyey in jacaylku aanu ahayn kan aynu ku naqaanno in uu lammaanaha dhex maro oo keliya, ee uu yahay dareen ku lammaan guud ahaanba nolosha aadamaha. Waxyaabaha xiisaha leh ee uu Dr. John kaga hadlay buuggiisan waxa ka mid aragtidiisa ah in jacaylku la soo bilowdo marka uu ilmuhu ku abuurmo uurka hooyadii kuna dhammaado geeridiisa, isaga oo min bilowga nolosha illaa dhammaadkeeda soo mara toban jaran-jarro iyo nooc oo kala horreeya. Dr. John sida uu buuggiisan ku sheegay tobankaas jaran-jarro iyo nooc ee qofka soo maraa waa:

1. Jacaylka Alle: Jacaylka uu qofku u hayo Allaah waxa uu la bilowdaa marka uu ilmuhu ku samaysmo uurka hooyadii, waxa uu markan ilmuhu dareema kalgacal badan oo uu u hayo Rabbiga abuuray, sidaa awgeed ma dareemo war-war nafsi ah qalbigiisana waxa buuxiya xasiloonaan ay muuqato in uu dareensan yahay in aanay waxba ka maqnayn, taas oo aad uga duwan marka uu ilmuhu dhasho oo uu markaba sakati ku beermo oohinna adduunyada ku soo galo.

2. Jacaylka Ehelka: Marka uu ilmuhu gaadho sannadka 7aad ee da'diisa waxa ku bilowda nooc labaad oo jacayl u raaca kiisii hore ah, waxa uu dareemaa sida bilaa xadka ah ee ay ehelkiisu u jecel yihiin, haddii uu si uun u dareemo ilmuhu in ehelkiisu aanay jeclayna waxa ay saamayn xun ku yeelataa mustaqbalkiisa, ilmuhu waxa uu da'dan bilaabaa dareen abuur ah oo faraya inuu ilaashado kalgacalkaas ay ehelkiisu u hayaan, kana dhawro wax kasta oo laga yaabo in uu dhaawaco, tusaale ahaan haddii lagu yidhaahdo, haddii aad seexan weydo waan ku nacayaa waxa ay u dhawdahay in isaga oo ka ordaya in uu waayo jacaylka waalidkii u hayo in uu seexdo. Waxa uu ilmaha da'dan ahi ku dadaalaa inuu sameeyo una muuqdo sida ugu habboon ee uu qabo in waalidka ama ehelka ku dhawi ku jeclaanayaan kagana raalli ahaanayaan, xattaa haddii ay sidani tahay si wax u dhimaysa shakhsiyaddiisa, ama heerkiisa bulsho.

3.Jacaylka Qoyska, Asxaabta iyo ciyaarta: Marka uu ilmuhu gaadho 7 sano illaa 14 sano waxa ku bilowda marxalad cusub oo wadata jacayl khaanad saddexaad oo ku soo biirtay noloshiisa. Waxa uu jecel yahay la noolaanshaha qoyskiisa, saaxiibbadii iyo ku noolaanshaha jawi suuro gelinaya ciyaar iyo dheel caruureed. Waxa soo baxa jacayl hor leh oo uu ilmuhu u qabo in uu ka baxo madashii koobnayd iyo goshii waalidka una baxo dibadda guriga, waxa uu bilaabaa in uu saaxiibbo samaysto si ay u wada dheelaan una guto hadba hiwaayaddiisa ciyaareed. Waxa uu waalidkii ku bilaabaa su'aalaha ehelka iyo dadka ay wax isu yihiin ee ka baxsan guriga sida inuu waraysto adeerradii iyo abtiyaashii, awoowyadii iyo ayeeyooyinkii kana dalbado waalidkii in ay u geeyaan. La Soco…