Nuxurka Dhambaal Uu Madaxweyne Putin U Diray Madaxweyne Barak Obama

0
611

Madaxweynaha Russia Vladimir Putin ayaa dhambaal  hambalyo ah oo  ku xidhiidhsan munaasabadda xornimada Mareykanka oo uu u direy Madaxweyne Barack Obama, waxaa uu ku baaqey in la wanaajiyo xidhiidhka ka dhexeeya Russia iyo Mareykanka. 

Mr. Putin waxa auu dhambaalkiisa ku xusey in  xidhiidhka haatan murugsan ee labada dal u dhexeeya uu horseedi doono inu dhismo xidhiidh dhab ah oo ku saleysan sinnaan, walow ay labada uu ka dhexeeyo kala fikir duwanaansho. “Ruushka iyo Maraykanku waxay wadaagaan masuuliyada ka saaran ilaalinta amniga iyo degenaanshaha adduunka,” ayuu yidhi Putin oo intaas raaciyay inay waajib tahay inay labada wadan iska kaashadaan u danaynta dunida.

Xidhiidhka u dhexeeya Washington iyo Moscow ayaa ahaa heerkiisii ugu hooseeyey gaadhey tan iyo dhamaadkii Dagaalkii Qabooba, kadib markii Russia ay gacanka Crimea oo Ukraine ka tirsan ay ku darsatey dhulkeeda horaantii sannadkan. Taas oo uu Maraykanku kaga jawaabay cunaqabatayno iyo dagaalo diblomaasiyadeed oo ay Ruusha ku soo rogeen dalal uu Maraykanku hor boodayaa.