Ilmaha Waxbarashada Tooska Ah Loo Bilaabo Isaga Oo Ka Yar 7 Jir Wuxuu Khatar U Yahay Inuu Weynida Ku Naco

0
651

Hargeysa (Geeska)- Ilmuhu inta uu ku jiro marxaladaha bilowga ah ee cimrigiisa waxbarashada iyo in dugsi la geeyo waxa uu uga baahi badan yahay uguna muhiimsan in uu qoyskiisa ka helo daryeel dheeraad ah iyo in si gaar ah loo xannaaneeyo, taas oo haddii uu waayo ama isaga oo aan ka haqab bixin waxbarashada tooska ah lagu dadejiyo ay dhici karto in uu mushkilado kala kulmo waxbarashada ama fahamkiisu liito. Dhicitaanka Imtixaanaadka dhammaadka sannad dugsiyeedyada iyo marxaladaha kala duwan ee waxbarashada, ayaa ah mushkilad aad ugu badan guud ahaanba bulshooyinka ku dhaqan dalalka dunida saddexaad, mushkiladdaas oo sababaha keena iyo xaqiiqadoodaba aad loo mo’oggan yahay, ayaa xalal badan oo loo raadiyey aanay waxba ka tarin, maadaama oo xaqiiqadu tahay in aanay ahayn xalkii saxda ahaa ee mushkiladda.

Haddaba daraasado badan oo arrimahan lagu sameeyey ayaa dhammaantood isku raacay in ardayda dugsiyada la qoro iyaga oo da’doodu ay ka yar tahay 7 sano ay halis ugu jiraan in waxbarashada ay ka saaqidaan iyaga oo aan dhamaystiran, waxa aanay xeel-dheerayaashu ku sababaynayaan in ilmaha da’da 7 sano ka yari uu in ka badan waxbarashada u baahan yahay daryeel iyo xannaanayn aad u badan. Tijaabooyin ay xeel-dheerayaashu sameeyeen ayaa ay ku ogaadeen in uu xidhiidh adagi uu ka dhexeeyo da’da uu ilmuhu ku tagayo dugsiga iyo heerkiisa waxbarasho iyo koritaanka garaadkiisa ee mustaqbalka. Daraasaddani waxa ay waalidiinka carruurtooda waxbarashada geysa iyaga oo ka yar lix ama toddoba sano ku eedaysay in ay iyagu sababta leeyihiin haddii uu ilmahaasi waxbarashada naco marka uu weynaado, ama uu imtixaanada dambe dhaco.

Cilmi-baadhayaal ka tirsan hay’adda cilmi-baadhista waxbarasada ee dalka Ingiriiska ayaa xaqiijiyey in waxbarashada oo ilmuhu da’ aad u yar ku bilaabaa ay ku keento sakati iyo cabsi nafsi ah oo aakhirka isu beddela dabeecad taban oo ah in ilmuhu uu naftiisa ixtiraami waayo isla markaana uu hoos u dhaco ama meeshaba ka baxo jacaylka uu waxbarashada u hayaa. Daraasaddu waxa ay tilmaamtay in xarumaha daryeelka carruurta iyo dugsiyada maaweeliya ubadka saddex jirka illaa Shan jirka ahi ay yihiin halka ugu fiican ee ilmaha loogu soo tababari karo waxbarashada isla markaana loogu diyaarin karo jawi waxbarasho oo ilmuhu xiiseeyo, sidaa awgeed ay sida saxda ahi tahay in ilmuhu inta uu lix jir ka yar yahay la geeyo dugsiyadaa barbaarinta oo laga ilaaliyo in toos loo geeyo dugsiga waxbarashada rasmiga ahi ka socoto.

Dhinaca kalana maxadka Physical iyo hay’adda Nofield ee dalka Ingiriiska ayaa sheegaya in carruurta waqtigooda ku qaata qoyska dhexdiisa oo ay kala kulmaan kalgacal iyo dhibirsanaan ay si aad u heer sarraysa u bartaan luuqadda, isla markaana ay korto awooddooda dhinaca wax-akhriska iyo qoraalka iyo hingaadda xuruufta, taas oo ay aad ugaga fiican yihiin carruurta da’dooda ah ee xarumaha daryeelka iyo xannaanaynta carruurta tagta. Waxa ay khubaradu sheegeen in ilmuhu marka uu gaadho 3 jir ay u fiican tahay in uu ka ag dhowaado qof weyn oo xidhiidh kalgacal iyo jacayl uu ku qabo, taas oo ka caawinaysa in maskaxdiisu si aad u heer sarraysa u korto, isla markaana yeelato awood qaabilaad oo aad u fiican.

Ugu dambayn waxa ay khubaradu sheegeen in ciyaartu ay tahay dariiq si fudud ilmaha wax badan loogu bari karo laakiin aanay ahayn habka keliya ee uu wax ku baran karo, sidaa awgeed loo baahan yahay in lagu badhxo qaabab ay ka mid tahay tilmaamid iyo jihayn uu macallinku ficilka fiican isagu ilmaha ku hor sameeyo isaga oo aan waxba u sheegin, ilmuhuna uu sidaa kaga dayan doono, laakiin waxa ay khubaradu isku waafaqsan yihiin in ilmaha oo ciyaarta laga ilaaliyaa ay cadow ku tahay awooddiisa waxbarasho.