80 Sano Ka Hor Ninku Waxa Uu Jeclaa Inuu Guursado Gabadh Cunto Karinta Xariifad Ku Ah, Gabadhuna Geesi Ay Isku Hallayn Karto, Laakiin Maanta Raggii Wuu Is Beddelay

0
759

Washington (Geeska)- Cilmibaadhayaal u dhashay dalka Maraykanka ayaa daraasad dhinaca xidhiidhka bulshada ah oo ay sameeyeen waxa ay ku ogaadeen in wax badani iska beddeleen qaababkii ay ragga dunidu u qiimayn jireen gabadha ay doonayaan in ay guur isugu yimaaddaan, taas oo isla beddeshay nolosha casriga ah iyo duruufaha dhaqaale ee hadda dunida ka jira. Daraasaddu waxa ay tilmaamtay in ninka maanta dunida ku dhaqan ee guur-doonka ahi mar walba raadiyo gabadh aqoonyahanad ah oo ay suuro gal tahay in ay qayb ka qaadato dhaqaalaha gurigiisa iyo nolosha qoyska, laakiin ninku waxa uu arrintan aad uguga duwan yahay gabadha oo iyadu mar walba doorbidda inay guursato nin jecel inuu qoys dhisto muhiimaddiisa ugu weynina tahay inuu dhaqdo qoyskiisa.

Christine Waylon iyo Kristy Bogsar oo ah laba khabiir oo ku xeel dheer cilmiga bulshada ayaa daraasad ay sameeyeen sanadkii 2008da oo tijaabadeeda ka qaadeen 1100 arday oo ka soo kala qalin jebiyey Jaamacadaha Iowa, Washington, Virginia iyo Pennsylvania, waxaa ka soo baxday in hablaha iyo wiilashuba ay iskaga mid noqdeen tilmaamaha ay ka mid yihiin in uu qofku noqdo mid dareen jacayl ku jiro iyo mid soo jiidasho leh, laakiin arrinta xiisaha keentay waxa ay ahayd in labadan tilmaamood ee ay ka midaysan yihiin, ay haddana qireen in aanay ahayn waxa koowaad, labaad ama saddexaad ee ay ku doortaan lammaanaha ay nolosha la wadaagayaan. Tilmaamaha ay raggan iyo dumarkani sheegeen in mid waliba jeclaan lahaa in lammaanihiisu yeesho waxa ka mid ahaa in ragga iyo dumarka mid waliba jecel yahay in qofka uu nolosha la wadaagayaa noqdo qof dhawrsoon oo daacad u ah mataankiisa oo leh shakhsiyad la isku hallayn karo, waxa aan iyaduna ka madhnayn in mid waliba jecel yahay in qofka uu nolosha la wadaagayaa noqdo qof leh aragti siyaasi ah oo midaysa ama ugu yaraan ay arrimo badan isku aragti ka yihiin. Ugu dambayntii waxa ay daraasaddani muujisay in qiyaas ahaan 70 sano ka hor ninku jeclaa in uu guursado gabadh cunto karinta ku fiican, dan badanna aanu ka geli jirin garaadkeeda iyo fariidnimadeeda, halka gabadhuna ay ka raadin jirtay nin himilo fog leh oo geesi ay isku hallayn karto ah, laakiin maanta taasi is beddeshay dhinaca ragga oo uu ninku jecel yahay in uu guursado gabadh uu hubo in dhaqaale soo saari karto oo laga yaabo inay hadhaw ka qayb qaadato nolosha qoyska. Laakiin gabadhu aanay weli beddelin doonisteedii ahayd in ay hesho nin la isku hallayn karo oo kalgacalkiisu yahay wax meel ku sugan oo aan isla beddelin hadba duruufaha iyo waayaha.