“Ninka La Reebay Ee Laa-laabtay Waa Aniga Taana Waan Qaatay, Ninka Murashaxnimada Loo Daayey Ee Murashax Noqdayna Waa Madaxweynaha”

0
606

Picture7Hargeysa(Geeska) Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafadka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa ku dhawaaqay in uu si rasmi ah ugu tanaasulay hankiisii murashnimo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) in uu noqdo murashaxa qudha ee Xisbiga Kulmiye, waxaanu sheegay in cadaadis kaga yimid Golaha Guurtida iyo qaar ka mid ah Ganacstada iyo isaga oo danta iyo nabadgeliyada dadka iyo dalkaba eegaya uu u qaatay go’aankaas.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo Shalay Shir jara’iid ku qabtay Xafiiskiisa ayaa sidoo kale ka waramay sababata ka dambeeysay inuu hiigsado Musharaxnimada Madaxweyne, Dhibaatooyinkii ka dhashay khilaafka Musharaxnimo ee Xisbiga Kulmiye dhexdiisa iyo qodoba kale, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Waxa jirey in War saxaafadda badankoodu qoreen,oo dadkana dareenkoodu dhegtu wada taagan tahay, Xisbiga Kulmiye muddo laba Sanno iyo badh ah ilaa Saddex Sanno ah khilaaf Siyaasiya ayuu ku soo jirey, khilaafkaasi waxa uu salka ku hayey Musharaxnimada Madaxweynaha, kolba Shirweynaha oo dib u daaha, kol Shirweynaha oo xidhma oo haddana la is jiid-jiito,waxa ay arinta oo dhami ku socotay Musharaxnimada, ama jiitan dheerata ha ahaato ama yaanay ahaanin ee waxa ay arinta oo dhami ku socotay Musharaxa, waxa akhirkii isa soo horjoogsaday Aniga oo Guddoomiyhii ah iyo Madaxweynaha, Tartankankaygaasina Xamaasiir badan oo aanan u baahnayna uu keenay, oo Xisbiga dhexdiisa iyo Qaran ahaanba u baahnayn, haddii Tartan dhacana cid baa adkaata, cidna waa la reeba cidna wey soo baxdaa”.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi  “Kulmiye-na Musharaxa qudha ayuu yeelanayaa, sida Xisbiyada kale oo dhanba malaha qoladiina kubada taqaana Spain oo  koobka eegaysayba waa  laga saaray Saaxada way iska laalabatay England oo Ciyaaraha u soo aas aastayna waa ay iska laab laabatay markii Kulmiye iyo Odayaashiisii iyo dadka Xoogiisiba ay u cadeeyeen ninka la reebay ee laab-laabtay waa aniga  taana waan qaatay ninka murashaxnimada loo daayey ee Murashax noqdayna waa madaxweynaha waa ciyaar game ah oo siyaasada Kubada iyo noloshuba ay leedahay, mey ahayn in aan yidhaahdo Musharaxnimada waan qaadanayaa, haddii kale waan burburinayaa, ma noqonaysa in haddii la reebo waan dudayaa, ma noqonaysa haddii kale gar daro iyo wax la ii geeysto ciilbaan qabayaa, intaas waan ka weynahay Xisbigana waan u tudhayaa, lexe jeclo ayaan ka qabnaa mustaqbal dheer oo boqolaal sanno dalka ka taliyo ayaa  doonayaa,haddii aan anigu wax waayey maaha Kulmiye ayaa waxa waayey, waxna ma waayo haddii aan Musharaxnimadii ka hadho,karaamadii Xisbigana waan leeyahay, dalkuna in dhibaato ku jiro oo cid iga adkaatay qaadato waan u baahanahay oo danta Qaranka u tudho, taasina wax weyn iguma ah, dad badan oo cadheeysan oo Saaxibaday ah oo Taageerayaashayda ah waan hubaa inay jiraan, laakiin dalkan waxa aan u soo maray wax waxan ka adag, qofku marka hore haddii naftiisa oo qudha wax u doonayo Shaqo dan gaar ah, uu dudi karaa,  meel kale ayuu u guuri karaa, uu cadhoon kara, uu boodboodi karaa”.

Muuse Biixi mar uu ka hadlaayey sababta uu u doonayey Musharaxnimada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye dhexdiisa ayaa yidhi “Anigu haddii aan Musharaxnimo doonayey waxa qudha ee aan u socday waxa ay ahayd, wax badan oo dadku halgan u soo maray, bal  is tijaabo in aad wax ka tari karto, in aan ku soo bixi lahaa iyo in kale ILLAAHAY ayaa og, meel adag ayaa la igu joojiyey, cidii I joojisay waa Hay’addaha Qaranka ugu waaweyn, Guurtida ayaa xukuntay, waxa la yidhi wax walba sidii uu Madaxweynuhu yidhi ayaanu raacaynaa ee raaca, waa yahay ayaan idhi iyada oo Umadda oo dhami maqlayso, qolada Ganacstada ah ee iyana arintan gashay, ee yidhi raac oo ka hadh, oo iyana xukun keentay, tii Guurtida ayey daba socotay, oo ay sii naaxnaaxiyeen, wax caadiya ayaan u arkaa”.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye mar uu ka hadlaayey dhibaatooyinkii ay sababeen Musharaxnimada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye dhexdiisa ayaa yidhi “Xoogaa dhibaatooyin ah ayaa  ka dhex dhecay Xisbiga dhexdiisa, haddii ILLAAHAY yidhaahdana waan ka dhamaan doonaa, warkaan idiin haaya waa intaas oo aan Umadda u sheegayaa, waa inay cidi ogaata in laga adkaaday, waa inay cidi dalka u tudhaa,waa inay cidi Madaxtinimada qaadataa, sidaas ayuu ku dhismaaya dalku,balse car iyo car kuma dhismaayo”.

Mar Su’aal laga weydiiyey Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye sababta dhabta ah ee uu uga tanaasulay hankiisi ahaa Musharaxnimo waxa uu ku jawaabay “Haddii uu marka hore qofku u galo dan iyo gorgortan wax, oo aad Siyaasada dan u gasho, Musharax ku gorgortan taas ma gayo, Ragga ila joogana ma gayaan, Musharaxnimaduna iga mabda ayey ahayd, Raggana waxa ay halkan igula dhinteen Mabda, haddii dadkii maalka hurey, isku afgaran waayey, Xisbiga khatar ku galay, dalkan khalkhal galinaya, waxaan siistay Nabadgeliyada dadka, waxaan siisatay jiritaanka dambe ee Xisbigayga,waxaan siistay midnimada Umaddayda, waxa Siyaasada inay lacag siista lagu qiimeeyn lahaa ma nihin,inta nolosha noolnayn halgan ayaanu ku jirnay, nalama iibsan karana”.