30 Sano Kadib Ayuu Hooyadii Oo Dhar Iyo Kabo Midna Xidhnayn Uu Ka Helay Keyn Dhexdeed

0
778

Picture9Washington (Geeska)- David Good qofka hooyadii ka waraysta waxa uu u sheegi jiray in isaga oo yar ay ku dhimatay shil baabuur, laakiin runtu waxa ay ahayd in iyada oo qaawan ay ku noolayd keymaha jiqda ah ee Amazon. David aabihii oo lagu magacaabo Kenneth waxa uu ahaan jiray bare-sare oo ku takhasusay cilmiga hidda-raaca isirka aadamaha iyo isku xidhnaanta isirka ah, muddo hadda laga joogo 30 sano oo uu wax ku baranayey dalka Venezuela ayaa uu aqoon-korodhsiyo iyo daraasado cilmiga uu baranayey la xidhiidha ku tegey deegaan ka mid ah kaymaha laatiin ameerika ee Amazon ka loo yaqaanno, taas oo keentay in markii uu muddo dhulkaas ku noqnoqnayey ay is barteen dad badan oo ka mid ah qabiilka ee dhulkaas degga ee Yanomami oo ah dad weli ku nool qaabkii ay nolosha aadamuhu ahayd bilowgii nolosha ee xadaaradaha ka hor, in kasta oo caado ahaan aanu qabiilka Yanomami dhex gelin bulshooyinka kale, haddana isbarashada dhex martay ayaa keentay in ay u tixgeliyaan qof iyaga ka mid ah waxa aanay u guuriyeen gabadh ka mid ah oo lagu magacaabo Yarima

Guurkii kadib waxa uu David xaaskiisa u kaxaystay dalkiisa Maraykanka, laakiin nasiib darro Yarima waxaa ku adkaatay noloshii casriga ahayd ee Maraykanka, waxaana ku dhacay diiqad iyo culays nafsi ah, muddo lix sano ah oo ay Yarima ninkeeda David la deggenayd gobolka New Jersey kadib, waxa ay aamintay in aanay suurtogal ahayn in ay nolosha casriga ah la qabsato, intaas ka badanna aanay ku sii samri karin, sidaa awgeed waxa ay qaadatay go’aan adag oo ah in ay dib ugu noqoto dhulkii laga keenay iyo dadkeedii oo aanay dib ugu soo noqon Maraykanka iyo saygeeda.

David Good ayaa wargeyska New York oo uu Geeska Afrika warkan ka soo xiganayo la hadlay ayaa yidhi, “Waxa aan nici jiray in saaxiibbaday ay ogaadaan in hooyaday ay tahay ruux qaawan oo keymaha ku dhex nool, cuntadeeduna tahay dirxi iyo abeesooyin” Waxa aanu intaas ku sii daray, “Waxa aan aad uga cadhaysnaa sida ay iskaga kay tagtay (Hooyadii), sidaa awgeed waxa aan go’aansaday in aan ka aargoosto, oo dadka oo dhan aan u sheego in ay dhimatay”

Picture2

David Good markii ay da’diisu gaadhay 10 jir, ayaa uu ardayda ay wax wada baranayeen u raacay booqasho uu dugsigoodu ku geeyey Matxaf lagaga hadlayo taariikhda dabiiciga ah. Sawirradii kala duwanaa ee uu goobtan ku soo arkay waxaa ka mid aaa kuwo laga soo qaaday qabiilooyinka ku nool keymaa Amazon oo muujinaya nolosha bilowga ah ee ay dadkaasi weli ku nool yihiin, sawiradaas ayaana xusuus dhaawaacday qalbigiisa iyo nafsaddiisa kaga tegey, sida uu mar kale ku waramay wargeyska Daily Mail.

David Good waxa uu soo maray nolol carruurnimo iyo dhalinyaronimo oo aad u adag, waxa uu bartay maan-dooriyaha iyo daroogooyinka kala duwan oo uu doonayey in uu isku dhaafiyo xanuunka ay xusuusta hooyadii ku haysay. Muddo kadib ayaa uu David si kedis ah u akhriyey buug, “Wadnaha dhexdiisa” la yidhaahdo oo ay wada qoreen aabihii iyo hooyadiisa uu la’ yahay ee Yarima, maalintaas ayaanu is beddelay mawqifkiisii hore waxa aanu go’aan ku qaatay in uu hooyadii raadiyo. Raadin kadibna waxa uu nasiibku ku simay in uu helo hooyadii oo si caadiya ugu dhex nool qabiilka ay ka dhalatay una nool qaabka hiddaha iyo dhaqanka u ah qabiilkaas oo ay ka mid tahay in aan dhar iyo kabo la xidhan. David waxa uu sheegay in markii nolosha qabiilkan bartay ee uu dhex galay ay wax badan iska beddeleen nacaybkii uu u qabay, isla markaana uu la yeeshay xidhiidh aad u fiican.