8 Nooc Oo Saaxiibbada Ka Mid Ah In Aad Haysataa Noloshaada Ayaa Ay Lagama Maarmaan U Tahay

0
853

Picture8Hargeysa (Geeska)- Wargeyska Geeska Afrika waxa uu qormadan akhristayaashiisa kula wadaagayaa qaybtii saddexaad ee maqaal uu qoray wargeyska The Huffington Post ee ka soo baxa dalka Maraykanka oo soo bandhigaya siddeed ka mid ah noocyada ay saaxiibbadu yihiin oo ay khubaradu sheegeen in aanu qofku noloshiisa uga maarmi karin:

7. Deris saaxiibtinimo leh: Waayadan dambe ee mashquulka iyo guryaha waaweyni soo kordheen, dad badan ayaanay aqoon isu lahayn dadka ay isku xaafadda yihiin ama deriska la’ ah. Waa wax laga xishoodo, waayo jaarka qaarkii waa dad wanaagsan oo wax-tar badan. Isbarashada iyo saaxiibtinimada derisku waxa ay keentaa iskaashi xooggan oo dan u ah horumarka iyo is-tabaalaynta dadka deriska ah, waxa aanay fure u noqotaa in inta ladani ay gacan qabato, caawimana la garab istaagto inta noloshooda dhaqaale ay hoosayso.

8. Saaxiib shaqo:

Ma’ og tahay marka aad shaqaale buuxa tahay in ay ka dhigan tahay in ugu yaraan boqolkiiba 50 saacadaha aad soo jeeddo ah ay shaqadaadu qaadato? Intaas oo keliya ma’aha, waxa aad sidoo kale waqti badan ku lumisaa, shaqo tegista iyo ka imaanshiyaheeda, ka fikiridda waajibaadka shaqada oo marar badan shaqada kadib aad sii fikirto, marar ay dhacdaba in aad saacado dheeraad ah shaqada ku qaadato iyo in aad isu dhisto kordhisatana aqoonta iyo fahamka aad u leedahay xirfadda iyo shaqada aad hayso.

Tiro-koobyo la sameeyey ayaa daahfuray in dadka shaqaalaha ahi ay u kala diiqad iyo murugo badan yihiin, sida ay u kala takooran yihiin shaqada dhexdeeda, taasina waa sababta ay lagama maarmaan u tahay in qofku uu shaqada dhexdeeda ku yeesho saaxiib uu la sheekayn karo, caawimo shaqo weydiisan karo, mararka qaarkoodna culayska iyo cadhada marar shaqadu keento iskaga yarayn karo. Marka aynu soo sheegnay in qofka shaqaalaha ahi uu boqolkiiba 50 waqtigiisa ka mid ah ku qaato shaqada, waxaa muhiim ah in aynu dareenno in saaxiibka shaqaduna uu yahay qof aynu waqtigeenna boqolkiiba 50 iyo ka badan la qaadanayno.

Saaxiibkaaga shaqadu ma’ aha in uu noqdo saaxiibkaaga ugu wanaagsan ee shaqada dibaddeeda, waa keliya in uu noqdo qof aad illaa heer shaqaalaha kale iskaga dhowdihiin, shaqadana isku caawisaan, in kasta oo aanay taas macnaheedu ahayn in aad intaas ka badan isa sii fahmi kartaan saaxiibbo dibadda shaqada ahna noqon kartaan. Dhammaad.