Anshaxa Dhowrsoon Iyo Dhaqanka Wanaagsan

0
2153

Hargeysa (Geeska)-Waa Qoraal Taxane ah uu wargeyskan Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayo qodobbo iyo dhaqamo fure u ah in qofka ku waano qaataa uu ku hanuuno ama ku barto anshaxa dhowrsoon iyo dhaqanka wanaagsan ee uu bulshada ku dhex geli karo sumcaddana kaga heli karo. Xigasho (Buugga Born Again ee uu qoray Faiz H. Faizal)

Ballan oofinta:

– Ballan ha qaadin, erey ballan noqon karana ha odhan haddii in yar oo shaki ahi ay kaaga jirto fulintiisa.

– Haddii aad qof u ballan qaado arrin waqti ku xidhan, waqti sida inaad ku tidhaahdo, Shan Daqiiqo gudahood ayaan Telefanka kugu soo celinayaa ama kuu imanayaa, waa ballan ee fuli. Haddii aad ballan qaado in aad hawl ku dhamaynayso muddo sida wiig, waa in aad sidaa yeeshaa, ka taxadir waqtiga ay ballantaadu ku eegtahay, Tusaale ahaan, haddii aad meel ku gaadhi karto Soddon Daqiiqo waxa aad ka dhigataa waqtiga aad qabsanayso 45-Daqiiqo. Qabso waqti ka badan inta aad filayso in uu kugu filnaado. Haddii ay timaado Sabab aanad u fulin karayn ballan aad qaaday, Xilliga ballanta ka hor ku wargeli qofka aad ballanta lahayd.

– Ilaali waqtiga ballanta, Astaamaha ilbaxnimo waxa ka mid ah in aad ballanta xilligeeda fuliso, waa Sharaf, haddii bulshada oo dhami ay ballan xun tahay adiga kuuma bannaana in aad la mid noqoto.

– Faraqa u dhexeeya nolosha labada qof inta badan waxa uu ku yimaaddaa sida ay uga kala faa'idaystaan waqtiga. Tusaale dhow aan ku siiyo, Baasidda iyo Dhicista ardayga ee Imtixaanku  waxa ay ku xidhan tahay hadba sida ay uga kala faa'daysteen waqtidooda.

Amaahda iyo Ammaanada:

– Qofka wax amaahda isaga ayaa ay masuuliyaddiisa tahay soo celinta waxa lagu aaminay, Ma'aha in uu sugo inta la xasuusinayo. Waxa jira dad badan oo illaaba soo celitna daynta amaba ay caado u tahay in aanay soo celin daynta, haddii uu daymiyuhu xasuusiyana aad ayaa ay uga xumaadaan. Waxa jira dad marka ay dayn qaadanayaan sheega xilliga ay soo celinayaan balse aan soo celin, sifooyinkani aad ayaa ay u xun yihiin. Marka ugu horraysa ee ay kuu suurto gal tahay daynta iska bixi inta aanad haynna la socodsii daymiyaha kana raali geli la raagitaankaaga.