“Aad Ayaan Ugu Faraxsanahay In Cabdiqaadir Jirde Ku Soo Biiray Xisbiga Waddani, Waana Ruug-cadaa Siyaasi Ah Oo Ah Haldoorka Somaliland”

0
666

Picture7Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa si diiran u soo dhaweeyay in xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, uu ku soo biiro xisbiga uu hoggaamiyo ee mucaaradka ah.

Md. Cirro, ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray wuxuu ku ydihi sidan “Xildhibaan C/Qaadir Jirde aad ayaan ugu faraxsanahay inuu kusoo biiray Xisbiga ?‎Waddani, si diiranna waan ugu soo dhoweynayaa Xisbiga isaga, masuuliyiinta kale & dhamaan taageerayaashooda ballaadhan.

Xildhibaan Cabdiqaadir waa ruug caddaa siyaasiya kana mid ah haldoorka ay ?Somaliland ku faanto ee dhidibada dawladnimo taagay, soona gaadhsiiyay halkay maanta marayso. Dhamaan Taageerayaasha WADDANI waxay diyaar u yihiin soodhoweyntiisa.

Waxaan u-mahadcelinayaa dhamaan madaxda iyo taageerayaasha Xisbiga Waddani ee ?#‎UK ee dedaalka badan muujiyay.”

Cabdiqaadir Jirde, ayaa kulan uu ka qayb galay oo ka dhacay magaalada London ee wadanka Ingiriiska, waxa lagu sheegay inuu dhawaan ku biiri doono xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, iyadoo la filayo in munaasibad loogu sameeyo magaalada Hargeysa.

Cabdiqaadir Jirde, ayaa ka mid noqon doona siyaasiyiinta miisaanka leh ee dhawaanahan ku biiraya xisbiga Waddani.