8 Nooc Oo Saaxiibbada Ka Mid Ah In Aad Haysataa Noloshaada Ayaa Ay Lagama Maarmaan U Tahay

0
997

Hargeysa (Geeska)- Wargeyska Geeska Afrika waxa uu qormadan akhristayaashiisa kula wadaagayaa qaybtii saddexaad ee maqaal uu qoray wargeyska The Huffington Post ee ka soo baxa dalka Maraykanka oo soo bandhigaya siddeed ka mid ah noocyada ay saaxiibbadu yihiin oo ay khubaradu sheegeen in aanu qofku noloshiisa uga maarmi karin:

4. Waaniye caqli badan: Jesse Jackson ayaa mar yidhi, “Weligaa qof hoos ha u eegin, haddii aanu ahayn qof (Kaa hooseeya oo) aad doonayso in aad kor u soo qaaddo” Haddii noloshaada aad soo geliso ruux, maskax badan, firfircoon, hal-abuur leh oo diyaar u ah in uu ku dhaqmo falsafaddan, waxaa aad tahay qof aad u nasiib badan. Dhammaanteen waxa aynu u baahannay saaxiib, ina dhiirri geliya, ruux firfircooniyeedna innagu abuura, si aynu u noqonno dad sida ay hadda yihiin ka fiican, isaga oo haddanai na dareensiinayn in aynu hoosaynay oo uu kor inoo soo qaaday.

Waaniyaha caqliga badan ee aad u baahan tahay in aad la saaxiibtaa, qasab ma’aha in uu yahay qof aad isku shaqo ama hiwaayad tihiin. Waa keliya qof dhowr tallaabo kaa sarreeya dhinaca fahamka nolosha, xikmad iyo dulqaadna u leh in uu kugu hago toobiyaha saxda ah. Qof kasta ayaa uu noqon karaa, saaxiib, qof aad wada shaqaysaan, xitaa mararka qaarkood kaa da’ yar, qof kaa weyn, deris aad muddo ahaydeen iwm, maadaama oo aad og tahay in qofkani uu yahay qof aad dhinaca nolosha iyo fahamkeeda kor u eegayso, waa in aad ka dhigataa saaxib kor kuu soo qaada oo ugu yaraan martabaddiisa ku soo gaadhsiiya.

5. Saaxiib aad kala dhaqan tihiin: Waxa aad u baahan tahay saaxiib ku dheggen hiddihiisa iyo dhaqankiisa, haddii qof kasta oo dunidan joogaa uu yeesho saaxiib ay kala hidde iyo dhaqan yihiin, waxaa hubaal ah in dunidu ay noqonayso meel aad uga fiican sida ay hadda tahay. In aad hesho saaxiibbo aad kala dhaqan tihiin waxa ay ku baraysaa duruus la xidhiidha hiddaha, dhaqanka iyo qiyamka ka baxsan kaaga, marar badanna waxaaba dhici karta in aad ka hesho meelo uu dhaqankaas kale kaaga fiican yahay oo ay tahay in aad kaga dayato si aad u qurxiso shakhsiyaddaada iyo dad la macaamilkaaga. Ama in aad ka barato hab kaaga ka fudud oo ay arrimahooda u maamulaan, mushkiladahoodana u xalliyaan.

Laakiin markan oo kale taxaddar badan ayaa lagaaga baahan yahay, qofka ha ula saaxiibin keliya in uu kaa dhaqan duwan yahay, maskaxdaada fur, kuna dadaal in saaxiibtinimada iyo dhexgalka ka hor aad iska hubiso shakhsiga, aadna u daraasayso hab-dhaqankiisa, anshaxiisa iyo dhaqanka aad ku kala duwan tihiin sida uu isugu iman karo.

6. Saaxiib fikir kasta kaaga soo horjeeda: Bani’aadam ahaan waxa aynu dabeecad u leenahay in aynu is urursanno, oo inta aynu is gaashaan-buuraysanno aynu weerarno cidda dibadda innaga ah. Haddaba waxa aad ogaataa in haddii aad saaxiibbo ka dhigato uun dadka adiga ku raacsan, kula fikirka ah, kula dhaqanka iyo qiyamka ah ama aan ugu yaraan aragtidaada ka hor imanayn, waxa aad ku dambaynaysaa in aad noqoto qof dunida inteeda kale ka go’an, oo ay u dhow dahay in uu hirdan la galo cid kasta oo sidda afkaar tiisa ka duwan.

Halkii aad iskaga xeeri lahayd dad kula aragti ah oo aan wax badan kugu soo kordhinayn, isku day in aad mararka qaarkood deggenaanshiyahaaga iyo farxadda iskaga ciyarto oo aad isku xeerto dad sida fikir boqolkiiba 100 kaaga liddi ku ah. Fikirka liddiga adag kugu ahi waxa uu kugu kallifayaa in aad aqoontaada kordhiso, indhahaaga furto, doodda iyo dad qancinta barato, iyo tan uguba sii fiican oo ah in aad barato dabeecadda ah inaad aqbali karto aragtida kaa soo horjeedda. La soco…