Anshaxa Dhowrsoon Iyo Dhaqanka Wanaagsan

0
961

Hargeysa (Geeska)-Waa Qoraal Taxane ah uu wargeyskan Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayo qodobbo iyo dhaqamo fure u ah in qofka ku waano qaataa uu ku hanuuno ama ku barto anshaxa dhowrsoon iyo dhaqanka wanaagsan ee uu bulshada ku dhex geli karo sumcaddana kaga heli karo. Xigasho (Buugga Born Again ee uu qoray Faiz H. Faizal)

– Waxa jira dad badan oo hadalka u yidhaahda kaliya si ay uga qosliyaan dhegaystayaasha. Been in dad lagu kala debberana qaar ayaa u yaqaanna Diblumaasiyad. Horayso iyo dambayso mar uun baa la ogaan beentaada iyo wajigaaga runta ah, waana lagaa aamin baxayaa. Ogow in ay tahay Munaafaqad ee aanay ahayn Diblumaasiyad. Baro qeexda Diblumaasiyadda oo ah, Xirfadda iyo farsamada qancinta dadka. Halka ay munaafaqaddu ka tahay, Sheegista wax aanad rumaysnayn ama rumayn karayn.

– Dadbaa jira ay ku adagtahay in ay Ma garanayo, kaga jawaabaan su'aasha, sidaa awgeed ayaa ay isugu kalifaan in ay su'aal kasta jawaab u helaan. Ceeb maaha in wixii aad garan waydo aad kaga jawaabto, "Waan ka xumahay, ma garanayo". Halkii aad ka bixin lahayd jawaab khalad ah. Haddii dadku ay dhaqankan kugu bartaan, waxaa badanaya dadku kalsoonida ay kugu qabaan iyo rumaysashada ay rumaysanayaan jawaabaha aad ka bixiso su'aalaha aad garanayso.

– Dadka qaar ayaa ku cawda in aanay dadka qancin karin. Sababta ugu wayni waa in qofkan aanay Niyad ama daacad ka ahayn Falkan uu samaynayo ama arrinkan uu sheegayo. Wixii aad aaminsan tahay ama uurkaaga ku jira hubi in uu diin ahaan iyo dhaqan ahaan saxan yahay kadib adigu samee waxa aad arki doontaa dadka oo marka ay wanaagiisa arkaan kaaga dayanaya, waxaana kor u kacaya kalsoonida ay dadku ku qabaan sax ahaanshaha waxa aad sheegayso ama samaynayso. Haddii aad saluugto Fal ama hadal uu qof ku kacay inta aanad isaga naqdiyin iska hubi in aad qudhaadu ku dhaqanto ama in aad arrinkaas qofka ka hadlay ku aqoon dhaanto.

– Sida uu aaminsan yahay Cilmi-Nafsigu Qofku waxa uu noqdaa hadba sida loola dhaqmo. Waxa jirta Qaacido Cilmi Nafsi ah oo loo yaqaanno {Pygmalion Effect}, waxa ay odhanaysaa, Haddii aad qof ku celceliso muddo in uu yahay beenaale, Beenaale ayaa uu noqonaya. taas lidkeeduna waa sidaas oo kale. Haddii aad qofka ku ogtahay been, ula dhaqan in aanu mar walba been sheegayn, tusaale ahaan ku dheh, "Waan Ogahay in aanad been sheegayn" IWM. kuwad sidaa, waxa aad arki qofkii oo inyar inyar isu beddelaya. Haddii aad muddo qof ku celceliso in uu wax sameeyo maalin ayuun buu samayn sidaa awgeed mar walba qofka ku dhiiri geli Runta iyo waxa wanaagsan.  La Soco….