0
489

Guud ahaanba dunida muslimka ayaa cadhow eyn looga qaaday kooxda kubadda cagta Ingiriiska ee Arsenal, kaddib markii ay ka qaybqaadatay olole lagu taageerayey dadka isku jinsiga ah ee isguursada. Tiro aad u badan oo Muslimiinta adduunka ah ayaa baraha bulshada iyo warbaahinta kale ee adduunku ku faafiyey hadallo ay ku dhaliilayaan kooxda, iyaga oo is barbar dhigaya mawqifkii ay hore Arsenal uga istaagtay qadiyadda Muslimiinta Igoorka (Uyghur) ee ciqaab wadareedka ay ku hayso dawladda dalkaasi.

Naadiga Arsanel ayaa toddobaadkan bartiisa Twitter ka ku faafiyey sawirka mid ka mid ah Hablaha ka ciyaaraha kooxda qaybteeda Haweenka oo sidata midabbada jeegaanta ee astaanta u ah kooxda, iyada oo odhanaysa, ‘Arsenal waa lawada leeyahay’.

Farriintan ayaa si cadho weyni ka muuqato uga dareenceliyeen in badan oo ka mid ah dadka xiiseeya kubadda cagta ee adduunka oo dhan, iyada oo dadka muslimiintuna ay kaga jawaabeen farriimo ay kooxda ku xasuusinayaan mawqifkeedii Muslimiinta Igoorka iyo weliba go’aankii ay kooxdu ka qaadatay xiddiga asalkiisu Turkiga yahay ee Mascuud Oseel, markii uu sheegay in uu ka soo horjeedo waxa uu Shiinuhu ku samaynayo dadkaas Muslimiinta ah. Kooxda ayaa ay Muslimiinta iyo dadka xuquuqda aadamaha u dhaqdhaqaaqaa ay hore ugu dhaliileen deyrinta xiddigan farta ku fiiqan dad rayid ah oo sababta keliya ee lagu ciqaabaa ay tahay in ay muslimiin yihiin.

Dadka ka soo horjeestay ololaha kooxda Arsanel ku difaacayso dadka isku jinsiga ah ee damacu kala galo ayaa ay dad badani hal-kudheg uga dhigeen ‘Marka laga reebo Muslimiinta Igoor’ iyaga oo ay ujeedadeedu tahay in la wada leeyahay ‘Arsenal’ marka laga reebo Muslimiinta Igoor.

Kooxda Arsanel ayaa dhowaan soo bandhigtay taageeradeeda dadka aaminsan in dadka is jinsiga ahi isu tegi karaan, waxa aanay astaan u qaadatay calan ah midabbada ay dadkaasi astaanta u leeyihiin. Tallaabadan waxaa iyaguna taageeray dhammaan kooxaha xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska. Si kastaba ha ahaato ee xiddigii hore ee kubadda cagta, Muxamed Abu Tariikha oo hadda falanqeeye ciyaareed ka ah talefishanka BeIN Sports ayaa ololahaas ka soo horjeestay, isaga oo caddeeyey in dhaqankaasi uu ka soo horjeedo Islaamka. Isaga oo sheegay in waajib ka saaranyahay in uu ka qaybqaato joojinta dhaqankaas ay dadka qaar ku sheegayaan in uu xuquuqda aadamaha ka mid yahay, laakiin meel ka dhaca ku ah aadamenimada. Waxa aanu talefishanka BeIN Sport kula taliyey in aanu baahan muuqaallo ciyaareed ay arrintani qayb ka tahay. Markaas ayaa ay kooxdu kaga jawaabtay halkudheggeeda cusub ee ‘Arsenal waa la wada leeyahay’ iyada oo Muslimiinta ka soo horjeesatayna ay Abu Tariikha ku difaaceen halkudheg ah, ‘Abu Tariika waa la wada leeyahay’.