Turkiga Oo Sameeyey Warshadda Soo Saarta Waraaqaha Ee Ugu Weyn Qaaradda Yurub

0
610

Wasiirka warshadaha iyo Teknoolajiyada dalka Turkiga, Mustafe Araank ayaa shaaca ka qaaday waxsoosaar tijaabo ah ay bilowday  warshadda waraaqaha ee dalkiisu dhowaan samaystay, dhowaanna ay soo sari doonto waxsoosaarkeeda oo dhammaystiran. Wasiirka oo warkan ku baahiyey bartiisa twitter ka ayaa sheegay in warshaddan ugu weyn qaaradda Yurub uu qorshaheedu yahay in ay dibadda u dhoofiso waraaqo qiimahoodu dhan yahay 200 milyan oo doolar sannadkii.

Warshadda yapacak waxa ay ku fadhidaa dhul Bedkiisu dhan yahay 330 kun oo mitir labajibbaarane, waraaqaha ay soo saaraysana waxa ay isugu jiri doonaan kuwa adag iyo waraaqaha jilicsan. Warshadda Kipa? ayaa adeegsan doonta teknoolajiyad casri ah oo waraaqaha la isticmaalay ay dib uga dhigayso waraaqo la isticmaali karo oo gaadhayo illaa 425 kun oo ton ah.

Shirkadda Kipa? oo maalgelinaysa warshadda ayaa sida oo kale badhtamihii 2019 kii waxa ay maalgeisay warshad soo saarta warqadda, oo SEKA lagu magacaabo iyada oo sida oo kalanba maalgelisay warshado kale oo ay ugu weyn yihiin kuwa waxsoosarka beeraha, Xoolaha iyo sibidhka.