Waynu Naqaannaa Dunida Koowaad Iyo Dunida Saddexaad, Laakiin Ma Jirtaa Dunida Labaad

0
216

Horumarka ay teknoolajiyadu samaynaysaa waxa uu saameeyey dhinacyada nolosha badankooda, waxa uu saaxadda ka saaray qalab tobannaan sano lala soo qabsaday, kuwii uu soo kordhiyeyna kama uu hadhin ee habeen iyo maalin wax ka beddel joogto ah ayaa uu ku wadaa.

Kamaradaha ayaa ka mid ah qalabka aynu ka hadlayno oo sannad kasta wax ka beddel dhinac kasta ah lagu sameeyo. Gaar ahaan dhinaca tayada iyo dhinaca xajmiga aha qarada, illaa ay maanta marayaan in yaraantii ay gaadho heer ay maskaxdu ka maagto rumaysashadeeda.

Waxa ay maraysaa in hadda la soo saaray kamarado qaradoodu le’egtahay xabadda milixda ah, oo haddana awood u leh in ay soosaaraan Sawirro tayadoodu ay aad uga fiican tahay kamaradihii ka waaweynaa. Samabayska kamaradahan oo loo adeegsaday teknoolajiyad loo yaqaanno, farsamooyinkaas oo kamaraddan awood u siiyey in ay qaado sawir midab ah, kuwaas oo suurtageliyey in ay qaaddo Sawirro aad uga qurux badan. xeeldheereyaasha isbarbar dhigga ku sameeyeyna waxa ay sheegeen in kamaraddan yari ay awood u leedahay qaaditaan sawirro midabbada oo dhan koobsaday, una tayo iyo qurux badan sida Sawirrada lagu qaado kamarado xirfadeedka waaweyn, qiyaas nus milyan jeer ahna ka weyn Sawirrada ay kamaradaha caadiga ahi qaadaan.

Kamaraddan yar ee aadka u heersarraysaa waxa ay leedahay faa’idooyin kala geddisan, oo ay ka mid tahay in lagu rakibo kombiyuutarka aadame la moodka ah (Robot) oo ay ka caawiyaan cilmibaadhisaha, iyo in ay xeeldheereyaasha ka caawiso in ay fikir fiican ka qaataan waxa jidhka aadamaha gudihiisa ka dhacaya. Taas oo aad loogu baahdo xilliyada cilmibaadhisaha iyo xaaladaha caafimaadka.

Dawladaha soo koraya ama dawladaha dhaqaalahoodu hooseeyo, waa magaca loo yaqaanno dawladaha sida oo kalana loogu yeedho ‘Dunida saddexaad’. Waxaa iyaguna jira dawladaha hodanka ah, oo ah kuwa warshadaha ku horumaray sida Maraykanka iyo Yurubta Galbeed, iyagana waxaa lagu magacaabaa ‘Dunida koowaad’ Haddaba labada tiro ee koowaad iyo saddexaad waxaa u dhexeeya hal tiro oo ah ‘LABA’ dad badan ayaa laga yaabaa in aanay isba weydiin halka ay ku maqantahay tiradaas oo aan inta badan warbaahinta laga maqal. Waxaa xiise leh in ay jiraan dalal badan oo la yaqaanno oo ku jira tirsiga dunida labaad, haddana dhif ayaa aynu maqalnaa ereybixinta ‘Dunida labaad’.

Waa maxay dawladaha dunida labaad?

Dawladaha ‘Dunida labaad’ waa dalalka uu hore uga talin jiray ama uga mid ahaa ‘Midowgii Soofiyeti’ ka hor intii aanu burburin sannadkii 26 Diisambar 1991.

Dawladaha dunida labaad waxa ay inta badan ahaayeen dawlado hantiwadaag ah oo ay ka dhisan nidaamyo dawladeed oo xisbi keliya ahi. Xisbigaas oo hantiwadaag ahaa. Si kastaba ha ahaato ee magacan aad looma adeegsan maadaama oo ay dawladdii Midowga Soofiyeti mamnuucday, gaar ahaan horraantii sagaashamaadkii, waqti yar kaddib dhammaadkii dagaalkii qaboobaa.

‘Dunida Labaad’ waxa kale oo loogu yeedhaa dalalka ka xasilooni badan, kana horumarsan dalalka dunida saddexaad balse aan gaadhin dunida horumartay. Waxa ay leeyihiin dhaqaale si muuqata u koraya iyo dhaqdhaqaaq suuq oo u muuqda in uu u jihaystay dhinaca horumarka ay dalalka dunida koowaad gaadheen. Waxaa jira illaa boqol dawladood oo aan ahayn kuwa ‘Dunida Koowaad’ iyo ‘Dunida saddexaad’, waxa aanay caan ku yihiin in ay isu keeneen qaybo ka mid ah astaamihii dunida koowaad lagu yaqaannay iyo dabeecadihii dunida saddexaad caanka ku ahayd. Tusaale ahaan magaalooyinkooda iyo nolosha ka jiraa waxa ay u muuqdaan kuwo la jaanqaadaya dunida koowaad ama dunida horumartay. Laakiin marka la eego nolosha shacbiga ah iyo deegaannada aan magaalooyinka waaweyn ahayn, waxaa yaalla astaamaha iyo dhammaan nolosha lagu yaqaannay dunida dib dhacday ee ‘Dunida saddexaad lagu tilmaamo”

Dalka China waxa uu leeyahay hanti iyo khayraad aan caadi ahayn, gaar ahaan marka aad qiimayso magaalooyinka Beijing iyo Shanghai, haddana deegaanno badan oo kuwa aan magaalooyinka waaweyn lahayn ah waxaa ka jirta xaalad ah ta dunida saddexaad. Parag Khanna oo ku xeeldheer siyaasad-dhuleedka (Geopolitics) iyo carro-edegeynta (Golobalization), waxna ka dhiga kuliyadda dhaqaalaha ee London, ayaa mar uu arrintan ka hadlayey waxa uu sheegay in dalalka dunida labaad ay ka mid yihiin, ‘Ruushka, Shiinaha, dalalka Laatiin Ameerika, Turkiga, Thailand, Koonfur Afrika, Kuuriyada Woqooyi, Hindiya, Malaysiya, iyo qaar ka mid ah dawladaha bariga Yurub, sida Boolaand, Roomaaniya, Hangari iyo jamhuuriyadda Jeeg.

Aragtida dunida saddexda ah

Sannadkii 1974 kii ayaa hoggaamiyihii Shuuciyadda Shiinaha ee Mao Zedong waxa madaxweynihii xilligaas ee dalka Aljeeriya Hawaari Bumaddiin u sheegay in xidhiidhka Caalamiga ah ee dawladaha adduunku uu ku dhisan yahay saddex qaybood oo is burinaya. Saddexdaas nidaam oo ku qaybsan dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan ayaa uu ku tilmaamay; dunida koowaad oo ah labadii quwadood ee adduunka oo ahaa Maraykanka iyo Midowga Soofeiyt oo dabcan si weyn ugu lug lahaa hawlihii gumaysi ee dunida ka socday, gaar ahaan ugu kala badnaa sida ay u kala horreeyaan. Dunida labaad oo uu ku sheegay dalalka xulafada la ah quwadahaas waaweyn, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Jabbaan, Kanada, dawladihii Yurubta galbeed, iyo dalal kale oo woqooyi adduunka ah iyo dunida saddexaad oo ah dalalkii la baxay dawladaha dhexdhexaadka ah; waxaa ka mid ahaa Shiinaha qudhiisa, dawladihii Afrika, Laatiin Ameerkia iyo dalalka badhtamaha Aasiya.

Bishii Abriil ee isla sannadkaas ayaa Deng Xiaoping, raysalwasaare ku xigeenkii Shiinuhu uu dhaqan geliyey aragtidii ahayd saddexda adduun. Mar uu sharraxayey isbahaysiiyada dhaqaale iyo siyaasadeed ee ay Shiinuhu la yeelanayeen dalalkii loo yaqaannay midigta, iyo xukuumadihii lagu tilmaami jiray dib u socodka (Reactionary) oo looga jeeday dawladihii loo arkayey in ay aaminsanyihiin siyaasadaha horseeday in dib loogu noqdo xaalado siyaasadeed oo bulshada hore uga soo martay, sidaas awgeed aan la jaanqaadi karin xaaladda casriga ah.

Si kastaba ha ahaato e, aragtida saddexda caalam ee uu hal-abuuray Mao Zedong waa ay ka duwantahay aragtida reer galbeedka ee saddexda caalam. Aragtida reergalbeedku waxa ay iyadu aaminsantahay in dunida koowaad ay tahay Maraykanka iyo xulafadiisa, dunida labaadna ay ahayd Midowga Soofiyeti iyo xulafadiisa, dunida saddexaadna ay ahayd dalalka loo yaqaannay dhexdhexaadka oo ah kuwii aan ku tirsanayn labada xulafo midkoodna. Waxaa iyaguna jiray aragtiyo siyaabo kala duwan u soo baxay oo habab sidan ku dhow ama ka duwan u qeexayey aragtida saddexda caalam. Si kastaba ha ahaato ee ugu dambayntii waxa uu hal

Sidee ay dawladaha dunida saddexaad ugu gudbi karaan dunida labaad

Waxaa jira halbeeg caalami ah oo loo yaqaanno, ‘halbeegga qiyaasta horumarka aadamaha oo afka Ingiriisiga lagu yidhaahdo ‘Human Development Index (HDI)’ waa nidaam tirakoob oo lagu qiyaaso heerka celceliska da’da bulshada iyo sannadaha waxbarashada ay ku bilaabaan iyo muddada ay cecelis ahaan ku joogto waxbarashadoodu, iyo sida oo kale celceliska bulsho ee bulshada.

Dalka uu halbeegga HDI u aqoonsado in uu halka ugu sarraysa gaadhay waa dalka da’da celceliska dhimasho ee dadkiisu ay gaadhaan sannadaha ugu badan, heerka waxbarashada uu sarreeyo, celceliska dakhliguna sarreeyo (GNI). Halbeeggan asal ahaan waxaa curiyey Maxbuub Alxaq oo ahaa dhaqaalayahan u dhashay dalka Pakistan,  hay’adda qaramada midoobey u qaabilsan ayaana u adeegsatay in ay ku qiyaasto horumarka dalalka.

Si gaar ah ayaanu halbeegga HDI yahay midka lagu jaangooyo in dalku uu ku jiro dalalka dunida saddexaad iyo guud ahaan sida dalalka loogu qaybiyo saddexdaas xero; waxaa la qiyaasaa horumarka uu dalku ka sameeyo dhaqaaqala iyada oo laga eegayo heerka shaqo la’aanta, celceliska dhimashada ama da’da muwaadiniintu gaadho, heerka nololeed ee bulshada, sida dhaqaaluhu ugu qaybsan yahay bulshada ama in ay dabaqado tahay iyo in kale iyo ugu dambaynta heerka waxbarasho ee bulshada. Qayb kasta waxaa lagu qiimeeyaa dhibco, haddii wadarta guud ay 0 illaa 55 noqoto waa in dalkaasi aad u hooseeyo, haddii 55 – 70 uu noqdo aa in uu dhexdhexaad yahay, haddii 70 – 80 noqdana wuu sarreeyaa.

Waa maxay sababta magaca dunida labaad aanu aad caan ugu ahayn

In kasta oo uu dhaqaalihii reer galbeedku weli aad u xooggan yahay, sidaas awgeed ay xejinayaan kaalintoodii dunida koowaad, haddana erey bixintii ahayd ‘Dunida labaad’ waa ay duugowday, gaar ahaan intii ka dambaysay burburkii Midowga Soofiyeti oo isticmaalkii ereyga dunida labaad aad hoos ugu dhacay, halka isticmaalka ereyga ‘Dunida saddexaad’ uu kor u soo kacay. Inkasta oo macnihiisii waxoogaa isbeddel ah lagu sameeyey; halkii uu hore ka ahaa dalalka ‘Dhexdhexaadka’ ka ahaa siyaasadihii iska soo horjeeday ee quwadaha dunida, markan waxa uu noqday magaca loo yaqaanno dhammaan dawladaha dhaqaale ahaan soo koraya. Si kastaba ha ahaato ee magaca dunida koowaad qudhiisa ayaa muddooyinkii dambe saaxadda ka baxay iyada oo ay beddeleen magacyo ay ka mid yihiin ‘Dalalka horumaray’ halka magaca dunida saddexaad isticmaalkiisuna aad u sii yaraanayo iyada oo ay in badan oo aqoonyahanka casriga ahi u arkaan in uu yahay erey duugoobay, kana doorbidaan isticmaalka ereyo ay ka mid yihiin ‘Dalalka soo koraya’ iyo ‘Dalalka dakhligoodu hooseeyo iyo kuwa dakhligoodu uu dhexdhexaadka yahay’