7 Qodob Oo Uu Ninku Ku Kasban Karo Qalbiga Gabadha Ka Garaadka Badan Ama Aqoonta Sare Leh

0
747

Hargeysa (Geeska)- Gabadha maskaxda badani waa ta awood u yeelata in ay dareenka iyo xiisaha ninka ay ku soo jeediso wax kasta oo ay qabanayso, waxa ay ku guulaysataa in ay si joogta ah isaga dhigto cidda qudha ee uu ninkeedu ku fikiro dareenkiisa oo dhamina daneeyo. Laakiin dhibta ay gabadha garaadka badani (Fariiddu) leedahay waa iyada oo inta badan isku mashquulisa bal in ninkeedu la mustawe yahay dhinaca jacaylka iyo danaynta, iyo xataa dhinaca maskaxda iyo fariidnimada waxa aanay tan kala baxdaa qaabkiisa sheeko. Haddii aad in uun ku fikirayso in aad guursato gabadh maskax badan adiga oo dareenkeeda iyo caqligeedaba kasbanaya waxa talo laguu siinayaa in aad qaaddo tallaabooyinkan soo socda, waxa aad arki doontaa adiga oo si rasmi ah u degey qalbiga fariidda. Wargeyska Al-Qabas ee ka soo baxda dalka Kuwait oo uu Geeska Afrika arrintan ka soo xigtay ayaa arrintan ka qortay daraasad aad u xiiso badan oo aynu qodobbadan ka soo qaadannay:

1. Ha khiyaamayn: Marka aad la joogto ha isku deyin in aad isu muujiso nin garaad badan, aqoon dheer leh, ha sheegan in aad ka jawaabi karto wax aanad aqoon ahaan garanayn, haddii ay tani dhacdo, waxa hubaal ah in ay si fudud kuu fahmi doonto, mar labaadda haddii gabadha fariidda ahi aragto ninka oo doonaya in uu isu dhigo inuu la mustawe yahay ama ka garaad sarreeyo waxa ay markaba gasha xaalad colaadeed iyo in ay difaacato waxa ay aragto in ay dheer tahay ninka ee aqoon ah, garaad ah ama waayo aragnimo ah.

2. Iska jir ereyada nafta kaga taga raadka taban: Waxa talo laguugu siinayaa in aanad gabadha garaadka badan isaga dhigin in aad la siman tahay ama ka sarrayso, laakiin iska jir, dhanka kalana waxa laguugula talinayaa in aanad iska dhigin doqon wax ma garato ah, adiga oo og in aad gabadha ka garaad hoosayso ama ka aqoon liidato haddana iska jir in aad u isticmaasho ereyada ah, Aaad ayaad u garaad badan tahay. Fariidnimadaada ayaa I qancisay. Waxa halis ah, marka ay gabadhu ku soo jeediso talo ama aragti in aad in badan ku celceliso "Weligayba taasi maskaxdayda kuma soo dhicin, xataa haddii ay run kaa tahay, ereyadani inta kasta oo marka aad eegto isticmaalka duleed ay aad u fiican yihiin, haddana waxa jira in ay saamayn taban kaga tagto nafta. Waxa ay khubarada cilmi nafsigu xusaan in haddii ninku in badan gabadha ku celceliyo ammaanta maskaxdeeda (iyo Fariidsanidaa) in ay markaba gabadhu qaadato dareenka ah in aanu ninkani abid soo baran qof iyada ka garaad badan, taasina waxa ay iyada dib ugu noqotaa niyad jab iyo in ay guursatay qof aad uga mustawe hooseeya.

3. Noqo Faduuli: Khubarada Cilmi nafsigu waxa ay sheegeen in gabadha fariidda ahi mar walba qabto dareen abuur ah oo u sheegaya in ninku uu dhaqan ahaan, fikir ahaan iyo aqoon ahaanba yahay faduuli. Sidaa awgeed talada la siinayo ninka jecel in uu hanto gabadha fariidda ahi waa in uu muujisto faduulinimo. Naftaada ku beer xiise badan oo aad ku muujinayso sida aad u jeceshay barashada waxyaabo badan oo cusub, uga sheekee khibradahaaga farsamo iyo waayo aragnimadaada iyo waxa aad jeceshay in aad mustaqbalka soo kordhiso. Marka aad la hadlayso gabadha fariidda ah ama xataa gabadh kale oo kasta waxa laguugula talinaya in aad ka gudubto sheekooyinka iyo su'aalaha soo jireenka ah, waxa aad ku dadaashaa in aad sheekadaa ka dhigto mid heerkeedu sarreeyo oo lagaga dhadhansan karo in qofka ku hadlay yahay qof garaad badan. Tusaale ahaan haddii gabadh aad u aragto mid caqli iyo fariidnimo badan aad la kulanto weydii sababta ay ku dooratay mihnaddeeda ama aqoonteeda (Tusaale ahaan maxaad ku dooratay barashada sharciga, ama maxaad ku xiisaysay in aad siyaasadda aad u dhex gasho), waxa aad ka waraysataa raadka ay qoyskooda ku yeelatay aqoonteedu ama aragtideedu. Waxa hubaal ah in marka aad gabadha weydiiso su'aalo ka duwan kuwa caadiga ah ee ragga kale weydiiyaan ay isla markaba bilaabayso in ay ku xiisayso. Isku day in aad ka sheekayso sheekooyin gabadha u muujiya in ay kaa mustawe hoosayso garaad ahaan iyo waayo aragnimo ahaan, xataa haddii aad casho geyso isku day inaad siiso cunto aanay hore u aqoonin, waxa aad ogaataa in guud ahaanba dadka aqoonta leh iyo dadka garaadka badani ay yihiin dad jecel in ay mar walba tijaabiyaan wax cusub. La Soco…