Cali Khaliif Galaydh Oo Weji Gabaxii Uu Kala Kulmay Addis Ababa Ku Jooga Nayrobi Iyo Xogo Ka Soo Baxay Qaabka Loo Masaafuriyay Iyo Cidda Casuuntay

0
539

Picture5Hargeysa(Geeska)-Horjoogaha kooxda Khaatumo ee Somaliland diidka ah Dr. Cali Khaliif Galaydh, ayaa weji gabaxii uu kala kulmay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa wuxuu la joogaa magaalada Nayrobi ee wadanka Kenya oo ay dawladda Itoobiya u masaafurisay.

Cali Khaliif Galaydh, oo magaalada Addis Ababa u tagay ka qayb galka shir loo qabanayay maamulada Federaalka Somaliya, ayaa weji gabax siyaasadeed la kulmay ka dib markii ay dawladda Itoobiya ku amartay inuu wadankeeda si deg deg ah uga baxo, waxaanu diyaarad toos ah u raacay magaalada Nayroobi ee wadanka Kenya oo uu hadda ku suganyahay.

10 saacadood

Wararka soo baxay ayaa waxay intaas ku darayaan inay Itoobiya Dr. Cali Khaliif u qabatay inuu 10 saacadood gudahood kaga baxo wadankooda. Waxaanu magaalada Addis Ababa ku sugnaa laba maalmood, sii uu shirka uga qayb galo ka hor go’aankiisa mastaafurinta. Intii aanay 10ka saacadood dhammaan ayay ciidamada ammaanku Cali Khaliif ka saareen wadanka Itoobiya.

Yaa casuumay?

Shirka lagu casuumay Dr. Cali Khaliif Galaydh, waxa qaban qaabiyay machad lagu magacaabo HESPI oo uu guddomiye ka yahay Dr. Cali Ciise Cabdi, oo ka mid ahaa aasaasayaasha kooxda Khaatumo. Dr. Cali Ciise iyo safiirka dawladda Somaliya ee Addis Ababa Mr. Axmed Cabdi Salaan ayaa isku dayay inay Cali Khaliif Galaydh ka badbaadiyaan mastaafurinta, laakiin dedaalkooda ayaa guuldaraystay.

Gunaanad

Dawladda Itoobiya ayaan wax war ah ka soo saarin arrintan, waxase la aaminsanyahay inay go’aanka mastaafurinta Cali Khaliif  qaadatay, maadaama oo ay xidhiidh wanaagsan leeyihiin dawladda Somaliland, maamulka Puntland iyo weliba dawladda Somaliya oo intuba isku raacsan inuu Cali Khaliif Galaydh dhibaato amni darro ku hayo.

Cali Khaliif Galaydh, oo dhawaan la caleemo saaray, ayaan weli saxaafadda la hadal tan iyo maalintii laga saaray magaalada Addis Ababa, waxase la filayaa inuu warbaahinta la hadlo, ka dib markii uu safrakiisii u horeeyay ee uu u baxay uu kala kulmay weji gabax siyaasadeed.