Xasaasiyadda Caanaha, Darawalnimada, Aragga Oo Daciifa Iyo Shacbiyad Badnaantu Waa Hidde Laga Raaco Waalidka

0
1011

Waa qaybtii saddexaad ee qormadii ay shabakadda Birght Side ku eegaysay Xanuunnada iyo dabeecadaha waalidka laga hidde raaco:

  1. Xasaasiyadda Caanaha

Waxaa jirta maaddo loo yaqaanno ‘Sonkorta caanaha’ (Lactose) oo ah sonnor ku jirta caanaha oo ka dhalata isku darsanka sonkoraha Galactose iyo Glucose. Waxa ay caanaha ka tahay boqolkiiba 2 illaa 8. Haddaba arrinta yaabka lihi waxa ay tahay in boqolkiiba 65 dadka da’da qaangaadhka gaadhay ahi in aanay lahayn awood uuu dheefshiidkoodu ku burburiyo sonkorta caana ama Lactose, waxaana xaaladdaas loo yaqaannaa ‘Lactose intolerance’

Marka uu ilmuhu aad u yaryaryahay ee uu u baahan yahay caano, waxa uu jidhkiisu sameeyaa dheecaan ‘Enzyme’ awood u leh in uu burburiyo ‘Lactose’ ka, laakiin mar kasta oo uu ilmuhu sii koro waxaa hoos u dhacda awooddaas dheefshiidkiisa ee caanaha iyo waxyaabaha caanaha laga sameeyaba. Dad yar ayuunbaana leh Hidde-side waalidka laga hidde raaco oo awood gaar ah u leh maadadda ‘Lactose’ ka.

  1. Gaadhi kaxaynta

Qofku waa uu baran karaa dhammaan xeerarka iyo tilmaamaha waddo marista, waxa aanu ku guulaysan karaa imtixaanka darawalnimda oo la siiyo rukhsadda. Laakiin waxaas oo dhan oo jira waxaa haddana barbar socda arrin laga raaco waalidka oo darawalnimada buuxda khatar u ahaa.

Waxaa jira ‘Hidde-sideyaal gaar ah oo saamayn taban ku leh awoodda uu qofku u leeyahay in uu nafiisa hago, waxa kale oo uu ka masuul yahay hoos u dhac ku yimaadda awoodda uu qofku u leeyahay ka jawaabista degdegga ah iyo ka dareen celinta Xaaladaha kediska ah ee ku yimaadda ama xitaa xasuustooda. Haddii qofku uu yahay dadka noocan ahna waa in uu dareensanaadaa Xaaladaha noocan ah in qofku uu isku dayo kaxaynta baabuurta. Waayo waxa uu qofkani khatar u yahay in uu shil galo, maskaxdiisa maahsan awgeed. Waxa ay saynisyahannadu aaminsan yihiin in boqolkiiba 30 dadka adduunku ay yihiin dadkaas leh Hidde-sida saamaynta ku xun ku leh gaadhi wadistooda..

Shacbiyadda iyo in dadku ku jeclaadaan / Taageero badnida

Waa huaal in ay dad badan u qaadanwaa ula ekaanayso, laakiin xaqiiada cilmiga ahi waa in sirta ka dambaysa taageerada ay dadka qaar haystaan ay tahay arrin la xidhiidha hidde-sideyaasha ku jira oo ah kuwo u samaynaya dhaqanno iyo dabeecado dadka oo dhami xiisaynayaan.

Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Caanka ah ee Harvard ayaa baadhis ay sannado badan wadeen kaddib waxaa u soo baxday natiijadan ah in jacaylka qofka loo qaadayaa ay xidhiidh weyn la leedahay hidde-sideyaashii qaarkood. Cilmibaadhayaashu waxa kale oo ay sheegeen in tan iyo bilowgii nolosha aadamaha, in dadka xogta iyo aqoonta qiimaha leh ka haya ilaha cuntada ama baahiyaha aasaasiga ah ee nolosha iyo dadka warka ka haya cadowga ama khataraha bulshada soo waajahayaa in uu noqdo qof bulshada oo dhami danayso taageero iyo soo dhoweyna u hayso.

Marka ay culimadu sii baadheenna waxaa u soo baxday in wardoonka iyo ururintaas xogta iyo fahamkeeduba ay ka mid yihiin Arrimaha ku yimaadda sababa la xidhiidha hidde sideyaasha ay dadkani ka hidde raaceen awoowyadood.

Dadka hiddesideyaashaas waalidkooda ka dhaxla ayaa ay warbixintu sheegaysaa in ay caan ku yihiin kalgacal bulshada u qaado iyo in dadka oo dhami u baratamaan sidii ay ula saaxiibi lahaayeen.

Si kastaba ahaato ee sida ay ku suurtagashay in dabeecadahaas shakhsiga ahi ay dhex maraan hidde sideyaashu waa arrin aanu weli cilmigu jawaab rasmii ah u hayn, waa se laga yaabaa in mustaqbalka la ogaado.

Aragga oo daciif ah

Waxaa jirta suurtagalnimada in aragga oo daciif noqdaa ay ku timaaddo sababo dhinaca hide side-yesha ah oo ay ka mid tahay in boqolkiiba konton ay ku timaaddo hidde raaca waalidka. Si kastaba ha ahaato ee waxaa jira xaalado kale oo iyaguna aragga daciifin kara waxaana ka mid ah ilmaha oo Waqti aad u dheer ku qaadata daawashada Shaashadda tv, mobile, ama Tablet ama kombiyuutarka.