Dawladda Qadar Oo Madaxweyne Biixi Ka Dalbatay Inay Door Ku Yeelato Wada-hadallada Somaliland Iyo Soomaaliya

0
875

Hargeysa (Geeska) – Xogo dheeraad ah, ayaa laga helay Waxyaabihii qarsoonaa ee ay ka wada-hadleen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wefti ka socda Dawladda Carbeed ee Qadar oo dhawaan socdaal ku yimid Hargeysa.

Warbaahinta SomalilandChronicle.com, ayaa baahisay in Ilo-wareedyo u sheegeen in Weftigii ka socday Dawladda Qadar oo uu hoggaaminayey Ergayga gaarka ah ee Wasiirka Arrimaha dibedda Qadar u qaabilan La-dagaalanka Argagixisada iyo Xal u helidda Khilaafaadka Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi u sheegay inay doonayaan inay xidhiidh laba geesood ah yeesheen Qadar iyo Somaliland, isla-markaana ay doonayaan inay Somaliland Xafiis uga furaan Hay’adda Qadar u qaabilan Kaalmooyinka ee loo yaqaano “Qatar Charity).

Warku wuxuu intaa ku darayaa, in Weftigu uu Madaxweynaha Somaliland la wadaagay doonista Dawladda Qadar ee ah inay qayb ka noqoto dedaallada Caalamiga ah ee Wada-hadallada lagu dhexdhexaadinayo Somaliland iyo Soomaaliya,
Somaliland Chronicle.com wuxuu intaa sii raaciyey, in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu Weftiga Qadar u sheegay Mowqifka Somaliland ee Wada-hadallada iyo kalsoonida ay ku qabto Qaddiyadeeda Madax-banaanidu u saamaxayso inay meel kasta kaga qayb-galaan Wada-hadallada dhexdhexaadinta ah, sidoo kalena aqbalayaan Cid kasta oo arrintaa dhexdhexaad ka ah.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Warku sheegay inuu Weftiga Qadar ku war-geliyey inay Somaliland diyaar u tahay inay sugto inta ay Soomaaliya ka baxayso Xasillooni la’aanta siyaasadeed ee hadda haysata.

Arrinta kale ee Weftiga Qadar & Madaxweynaha Somaliland ka wada-hadleen, ayaa lagu sheegay in diyaaradda Qadar Airways ay duulimaadyo toos ah ka bilowdo Somaliland.

Xilligan la joogo, diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa ah ta keliya ee duulimaadyo toos ah ku timaadda Somaliland.

Ugu dambayn, Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani oo Weftiga Qadar hoggaaminayey wuxuu bogaadiyey xasilloonida siyaasadeed ee Somaliland iyo inay aqbashay inay xidhiidh laba geesood ah la yeelayo Qadar, inkasta oo ay xidhiidh laba Geesood ah la leedahay Dawladda Imaaraadka Carabta.

Geeska.net/Hargeisa Office