Guddoomiyaha WADDANI Oo Ka Hadlay Xuska 18-ka May Oo Maanta Ku Beegan & Waxa Somaliland U Qabsoomay 30-kii Sano Ee Tagay

0
489

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo shacabka Somaliland ugu hambalyeeyay 18 May ayaa sheegay in Somaliland ay guulo waawayn gaadhay 30 sano ee ay jirtay.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ayaa sharaxay waxyaabaha u hirgalay Somaliland muddada 30 sano ee ay jirtay.

Guddoomiyaha oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “30-kaa sanadood Somaliland waxa u qabsoomay wax badan, waxaynu dhisnay dal nabad ah, waxaynu dhisnay haykalkii dowladda, waxaanu qabanay afti, waxaynu dhisnay nidaam dimuquraadiya, waxaynu dhisnay nidaamka axsaabta badan” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Waxa inoo suuragalay in aynu galno 6 doorasho oo qof iyo cod ah, Somaliland guulo waawayn bay gaadhay, waxay dhistay hanaan dhaqaale oo horumarsan, waxay ka soo dhex baxday dhammaan dalalka geeska Afrika” ayuu hadalkiisa ku daray.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in 18 May ay mudantahay in taariikhdeeda la qoro si buu yidhi jiilasha danbe ay u akhristaan “18 May waa maalin mudan in taariikhdeeda la qoro, si ay inooga dhaxlaan jiilasha inaga danbeeya” ayuu yidhi.

Guddoomiyaha ayaa shacabka ugu baaqay in ay ilaashadan midnimadooda iyo amaaankooda xiliga doorashada lagu jiro, isla-markaana waxa uu hambalyo u diray dhammaan shacabka Somaliland munaasibadda 18May.

 

Geeska.net/Hargeisa Office