Arwo Al-Qayruwaaniya: Gabadhii Ugu Horreysay Islaamka Ee Odaygeeda Ku Sandulleysay In Aanu La Guursan (2)

0
1246

Waa qayb kale oo ka mid ah qisada warqaddii la magac baxday ‘Meherkii Qayruwaaniya’.

Marka sidaas guud loo dhigo waxaa laga yaabaa waqtigan aynu joogno in dadka qaar aanu macno u samayn shardiga warqadda ku qoran maadaama oo gabadhu ay mar kasta iska furi karto ninka.

Laakiin, ujeedada Arwa waxa ay ahayd in ay ka baxsato sida dumarka qaar ku dhici jirtay ee ah in gabadha uu furniin doonaysa uu ninku kala warwareego, waxa aanay shardi ka dhigtay, maalinta uu guursado gabadh kale ama addoon samaysto in gacanteeda uu ku soo wareegayo go’aanka furniinku. Taas oo macnaheedu yahay in ay xor u tahay in ay iskaga tagto.

Abu Jacfar shardigani wax sidaas u weyn lama uu noqon, oo ma’ uu filayn in guurka gabadhan quruxda badan ee uu jecelyahay dabadii uu guur kale u baahan doono. Ama uu hoggaamiye dawladeed noqon doono oo sidii berigaas jirtay ay dumar adoomo lagu sheegayaa hareerihiisa ka buuxsami doonaan. Waxaas oo dhan ayaa toban sano kaddib dhacay, waxa aanu dib u qoomameeyey go’aankiisii hore.

Arwa waxaa lagu tilmaamay gabadh waxbarashada jeclayd oo aqoontii xilligaas jirtay aad uga durduuratay, waxa aanay si gaar ah u jeclayd wax akhriska oo waqtiyo badan ay ku qaadan jirtay, kaas oo ka caawiyey in ay noqoto gabadh il dheer.

Abu Jacfar oo xaaskiisa wataa waxa uu dib ugu soo noqday dhulkiisii asalka ahaa ee Ciraaq, gaar ahaan magaalada Kuufa. Waxa ay ahayd muddo yar kaddib markii ay dhacday dawladdii Umawiyiintu ee xukunku dib ugu soo noqday qoyskii uu ka dhashay ee dawladda Cabbaasiyiinta, gaar ahaan Cabdallah A-Safaax oo ay Abu Jacfar walaalo ahaayeen.

Sannadkii 753 kii Hijriyada markii uu Cabdalla A-Safaax geeriyoodayna waxa uu xukunkii ku wareegay Abu Jacfar Al-Mansuur oo muddo 22 sano ah xukunka sii hayey.

Abu Jacfar intii uu xilka hayey waxa uu dhisay magaalada Baqdaad ee caasimadda Ciraaq oo bilowgii isaga loogu magac daray. Laakiin markii ay ballaadhatay loo bixiyey Baqdaad. Qaybtii uu dhismaha magaalada ku bilaabay oo markii magaaladu fidday xaafad noqotayna uu ku hadhay magacii Almansuur ama degmada Al-Mansuur oo illaa hadda jirta. Abu Jacfar Almansuur waxa uu magaaladan cusub ka dhistay qasri aad u qurux badan oo uu u bixiyey ‘Qasral-Khuld’ waxa aanu dejiyey xaaskiisa Arwa.

Abu Jacfar Almansuur markii uu muddo xilkii hayey dawladdii uu ka taliyey waa ay xoogaysatay, dhul ballaadhan ayaanay isku fidisay. Markaas ayaa uu Amiirka galay damac minyaro, iyo in sida boqorradii la midka ahaa uu sida xaaska ula macaamilo dumarka tirada badan ee lagu soo qabsanayey dagaalada oo adoomo noqonayey. Si arrintaasi ugu suurtagasho waa in uu xaaskiisa Arwa ku qanciyaa in ay shardigii meherka ku xidhnaa ka dhaafto, laakiin nasiibdarradiisu waxa ay ahayd in uu ku fashilmay isku day kasta oo uu doonay in uu ku qanciyo Arwa.

Dumarka dagaalada lagu soo qabto oo badankoodu aan Carab ahayni waxa ay ka buuxi jireen qasriyada hoggaamiyeyaasha dawladda, marka laga tago in hoggaamiyuhu qaar ka xusho si uu xaas ahaan ula macaamilo, waxa kale oo jiray tobannaan ka mid ah oo qaabilsanaan jireen hawlo badan. Waxaa ka mid ahaa suugaanta ku luuqaynteeda iyo heesaha, durbaanka iyo muusiga garaaciisa, maaweelinta iyo jaaska munaasadaha muhiimka ah iyo hawlo badan oo arrimaha bulshada la xidhiidha. Badnida dumarkaas iyo hoggaamiyeyaasha xaasaskooda oo qudhoodu noqday raaxo ku nool aan xiisaynayn in ay ubad badan dhalaan awgeed carruurta ugu badan ee uu hoggaamiyuhu dhalo waxaa hooyo u noqon jiray dumarkaas addoomaha ah. Tusaale ahaan dawladdii Cabbaasiyiinta 37 khaliif oo ka taliyey, saddex keliya ayaa ay hooyooyinkood Carab ahaayeen. mid ka mid ahina waxa uu ahaa Mahdi Bin Mansuur oo ay Arwa dhashay.