Xukuumadda Somaliland Oo Markab Shidaal Sida U Diiday Inuu Ku Soo Xidho Berbera

0
888

Hargeysa(Geeska)-Markab shidaal sidda oo ay leedahay shirkadda Som petroleum ayaa muddo 25 maalmood ah ku xaniban dekedda Berbera, ka dib markii ay xukuumadda Somaliland diiday inuu markabku ku soo xidho dekedda Berbera.

Si rasmi ah looma garanayo sababta ay xukuumadu u diiday markabkan inuu ku soo xidho dekedda Berbera, laakiin masuuliyiinta shirkadda ayaa sheegay inkastoo ay haystaan liisan ganacsi haddana inaanay garanayn sababta markabkoodu u xanibanyahay.

Kabtanka markabka ayaa telefishanka HCTV, u sheegay inaanay garanayn sababta loogu diiday in markabka uu wadaa ku xidho dekedda Berbera, waxaanu markabku ka soo ambobaxay dekedaha dalka Cumaan.

Xukuumadda Somaliland wax war ah kamay soo saarin sababta markabkan loogu diiday inuu kus oo xidho dekedda Berbera, si uu u shubo shidaalka uu sido.