Shimbir Ah Noocii Qur’aanku Sheegay In Ay Dileen Maroodigii Abraha Oo La Arkay

0
1158

Shimbir lagu arkay dalka Aljeeriya ayaa muran badan ka dhex abuuray xeeldheereyaasa isirka shimbiraha, taariikhyahannada iyo culimada islaamka, kaddib markii la sheegay in uu yahay shimbirka Alle ku sheegay nooca shimbirihii Qur’aanka kariimka ah sheegay in ay dileen maroodiyadii iyo ciidamadii uu watay Xabashigii Abraha ee kacbada in uu weeraro doonayey.

Muwaadin u dhashay dalka Tuuniisiya, ayaa helay shimbir noociisu dhif yahay oo ka tirsan qoyska afka cilmiga lagu magacaabo ‘Apodiformes’ oo la sheegay in uu yahay shimbirka Abaabiil ee ku jiray Qur’aanka. Taas oo abuurtay in warbaahinta bulshada ay dadku kaga warramaan shimbirkan iyo qisadii maroodiga ee shimbikan noociisu ku badbaadiyeen guriga Alle ee xurmada leh.

Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dalka Aljeeriya, in khubarada shimbirkan baadhay ay caddeeyeen in aan la garanayn sababta runta ah ee dhulka ku soo ridday iyada oo la ogyahay in uu yahay shimhir joog aad u sarreeya ku duula, meelaha jooggoodu dheeryahay oo keliya ku nool.

Shimbirka la helay waa lab, dhererkiisu waxa uu gaadhayaa 16 Sentimitir, waxa aanu leeyahay baalal aad u dhaadheer oo dib u xoodan. Midabkiisu waa sibidhi, waxa aanu leeyahay baal dub u ah oo gaaban, isla markaana fidsan.

“Alle waxa uu Qur’aanka ku sheegay in shimbir dhagaxaan naar ah sitaa uu burburiyey ciidankii Abraha Al-Ashram ee kibirka ugu socday burburinta Kacbada, si uu uga aargoosto nin la sheegay in uu wasakheeyey kaniisad weyn oo ku taallay dalka Yemen oo ahaa xarunta uu fadhigiisu yahay.

Inkasta oo ay xeeldheereyaasha shimbirkani sheegayaan in uu yahay shimbirka Abaabiil, haddana waxaa xusid mudan in culimada fasraadda Qur’aanka kariimka ahi ay aanay ‘Abaabiil’ ku macnayn magaca shimbirka. Balse waxa ay sheegeen in ereygan macnaha looga jeedaa uu yahay kooxo. ‘Shimbiro kooxo u socda oo Alle hawshan u igmaday. Laakiin qur’aanku aanu sheegin magaca shimbirkan, waxa se ay culimada fasiraadda Qur’aanku sheegaan magacyo kala duwan oo shimbirkan ay u malaynayaan. Inkasta oo uu asxaabigii Ibnu Cabbaas ku fasiray in shimhirkan lagu magacaabo ‘Abaabiil’ waxa se uu tiriyey tilmaamo uu kaga duwan yahay shimbhiraha kale oo ay ka mid tahay in uu leeyahay calaamado la mid ah kuwa bahala dadqaadka ah, iyo cagaha hoose oo kuwa eyda u eeg.

Culimada qur’aanka fasirta qaarkood waxa ay ku doodayaan in shimhirka Abaabiil uu yahay junuud Alle soo diray waqti cayiman, kaddibna aan dib loo arkin.