Ciidanka Booliska Oo Sheegay Tirada Dhallinyarada Ay Qabteen Ee Xabsiyada Ku Jirta

0
686

Hargeysa (Geeska)-Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland Gaashanle Cabdilaahi Xasan Faarax, ayaa si adag uga hadlay Dhalinyarada rabashadaha ku kaca Bulshadana dhibta ku haya ee dhawaan ka dilaacay   Magaalada Hargeysa,waxaanu sheegay inay gacan bir ah ku qaban doonaan.

Kulan ay Shalay Galab iskugu yimadeen Taliyaha Ciidamka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, Afhayeenka Ciidanka Booliska dalka Gaashanle Cabdilaahi Xasan Faarax, Taliyayaasha labada qeybood ee Magaalada, Saraakiil, Maayar ku xigeenka Caasimadda Cabdicasiis Maxamed Xaashi, Guddoomiyayaasha iyo Guddiyada Nabadgeliyada ee Degmooyinka Caasimadda,ayaa kulankan oo ka dhacay Xarunta Dawladda hoose Hargeysa oo aan Saxaafada loo ogolayn, ayaa markii uu dhammaaday, waxa si wada ah Saxaafadda ula hadlay Afhayeenka Booliska Gashaanle Cabdilaahi Xasan Faarax iyo Maayar ku xigeenka Caasimadda Cabdicasiis Maxamed Xaashi, waxaanu ugu horeyn Afhayeenka Ciidanka Boolisku  hadalkiisi ku bilaabay  “Isku xidhka Waaxyaha Bulshada  iyo Booliska, sidii ay isku kaashan lahaayeen, dhinacna ugu soo wada jeedi lahaayeen Nabadgeliyada, Mukhaadaradka iyo wax walba oo anshax xumo ku ah Umaddeena, gacan birana loogu qaban lahaa, ayaa la iskugu yimid, la iskuna afgartay, waxa la gartay in la barto sidii gacan bir ah loogu dhigi lahaa Dhalinyaradan mushaakilaadka badan keenaysa waa la isla gartay, waana la isla fahmay”.

Afhayeenka Ciidanka Booliska oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “53 Inan ayaa la xukumay oo Xabsiyo kala duwan oo dalka ahna loo kala gudbiyey, dhawr iyo afartana imika gacanta ayaanu ku haynaa, saacadan aan idinla hadlayana qaar ayaa la qabtay, Waalidiinta waxa aan leeyahay Ubadkiina haddii aad qabsan waydaan waa la idin qabanayaa, dawlad ayaa jirta, nidaam ayaa jira,maamul ayaa jira, Wadanku fawda noqon maayo, waa la qabanaya Inankana waa la edbinayaa, Sharciyada ayaana la marinayaa, taas ayaana keentay in Caasimadda meel qudha la iskugu yimaado, lagana wada tashado”.

Maayar ku xigeenka Caasimadda Cabdicasiis Maxamed Xaashi, oo isna halkaas ka hadlaya ayaa yidhi “Maanta (Shalay), waxa aanu halkan iskugu nimid Booliskii oo huu hogaaminayo Jananka Booliska, Afhayeenka, Labada qeybood ee Caasimaddu ka kooban tahay,13-Taliye Saldhig iyo dhammaan Siddeedada GUddoomiye Degmo ee Caasimadda, iyo dhammaan Guddiyada Nabadgeliyada ee Magaalada, waxaana ka wada hadlaynay sidii kor loogu qaadi lahaa Nabadgeliyada, waxaanu daba socday Shirkii Shirkan ka horeeyey ee aanu kala hadlaynay isku xidhka Booliska iyo Bulshada, waanu isku xidhmay, waxaaana halkan ka balanqaadynaa in amaanka Caasimaddu uu adkaan doono, waxaana balanqaadayna in aanu ka warhayn doono meel kasta, sida Istabaha, Guriyaha la kiraysanayo, cida Gaadiidka raacaysa, feejignaan dheeraad ahna waanu sameeyn doonaa, waxaana dadka ka codsanaynaa in marka Dab Damisku idiin soo gurmado ha shiidina, waxaana balanqaadayna in aanu laban laabi doono Nabada Caasimadda”.