Boobe Oo Ayaan Daro Ku Tilmamay In Mujaahidiintii Dalka U Soo Halgantay La Xidho, Ubadkoodana La Laayo

0
1069

boobeHargeysa (Geeska)-Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Mucaradkak ee Waddani Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe), ayaa sheegay in Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Cali Maxamed Warancadde, ayaa sheegay in aanu waxba ka ogeyn xaqiiqda dhabta ah ee dalka ka jirta iyo xaalada ay ku sugan yihiin dadka reer Somaliland, waxaanu tilmaamay inuu mooday inay dadku sidiisa oo kale ay yihiin.  Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Mucaradkak ee Waddani Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe), oo Shalay Shir jaraa’iid ku qabtay Xafiiskiisa ayaa sidoo kale ka ka hadlay iska shaqaaqadii dhawaan ka dhacay Magaalada Hargeysa, ee keenay dhimashada iyo dhaawaca, waxaanu sheegay inay ayaan daro tahay in Mujaahidiintii dalka u soo halgamay Caruurtoodii lalaayo, isla markaana iyaga la xidho, waxaanu ka waramay aqoontii uu u lahaa Mujaahid Axmed Jabaan, iyo doorkii uu ka soo qaatay halgankii dib u xoreynta dalka, waxaanu Bulshada ugu baaqay inay codkooda ku ciil baxaan,  waxaanu ugu horeyn yidhi “Dil fool xun oo dhagareed  ayaa ka dhacay Magaalada Hargeysa, oo lagu bartimaameedsaday nin Mujaahid Axmed Jabaan la yidhaah, ayaa isaga oo xidhan xilli ku beegan makhribkii, intay ciidamo ku soo baxeen inay ku durduriyeen qoyskiisi iyaga oo madax ka toogtay mid ka mid ah Caruurtiisi, Axmed Jabaan waxa uu ka mid ahaa hal-doorkii SNM nin mudakara ayuu ahaa, waxa uu ahaa dadkii gudaha ka shaqayn jiray, markii hore Wakaaladii Bardiroolka ayuu u shaqayn iiray, Sahankii gudahana   ee Ciidankii SNM ayuu ahaa,  gaar ahaan qeybtii 31-aad ama aaga 31-aad, markii dambe shaqadii uu ka tagay, dabadeed gaadhi yar buu wadan jiray, uuna jaadlayn jiray, isaga oo wali shaqadii SNM u haya sirdoonka markii dambe ee la ogaaday ee warkiisu baxay, ayuu Madax ka noqday qaybtii Sahanka, ee jiidii galbeed. 1988-kii iyaga oo ay wada socdaan Maxamed Weere oo Ciidamadii SNM ka mid ahaa iyo Maxamed Ismaaciil (Fitan), ayey Axmed Jabaan xabadi ku dhaceen, Axmed hadaad aragtaan imika ama sida aan anigu ku arki jiray uu fool jaban yahay, dabadeed xabadii waxa ay kaga dhacday ilkaha, gudahana umay galin, laakiin ilkihii ayuu markii dambe iska soo guray, uuna soo daadiyey, mushiladaas  Axmed ku dhacday, oo qaar badan oo aanu ka mid nahay ku dhacday, oo u soo dagaalamay ama qayb libaax leh ka qaatay dagaalkii dib u xoraynta qaran ee SNM horseed ka ahayd, oo qaar badani ku cel celiyaan oo ay yidhaahdan Axmed baa hogaaminaayey, Axmed baa dibada ugu baxay, Axmed baan u soo dubjiray, is weydiintu waxa ay tahay Axmed waxa uu u dagaalamaayey iyo waxa uu ka dagaalmaayey, cidii la dagaalamaysay iyo cidii uu la dagaalamayey in wixii loo soo halgmay ee uu Axmed hogaamiyaha ka ahaa ay ka mid tahay in dhashii Mujaahidiinta sidaas lagu cuno iyana la xidho waa ayaan daro taala, laakiin kol haddi aynu noolnahay oo aanu joogno, waa waajib ina saaran in khaladadkaas dhacay aynu  saxno, oo guusha aynu xabada ku keenay nay saxno haddii ay khaldantay inaynu ku soo celino oo majaraheedii ku keeno, inaga oo codka sanduuqa ku ridayna, inaga oo hadlayana, inaga oo wax qorayna”.  Mujaahid Boobe ayaa mar uu ka jawaabayey hadal ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha Guddaha Cali Warancadde ayaa yidhi “Shalay ilaa Doraad ayaa waxa la daawanaayey Beer yar oo qurux badan oo wada cagaara dhex jooga oo tilmaamaya qoladii saxaafadda, oo leh meel qurux badan igu sawira, markana waa daad wararac, iyo maansadii Cabdi Iidaan Faarax, macalinkii weynaa, laba maanso ayuu ku lahaa Danlayda, midi dad wararac bay ahayd, dabadeed Cabdi Iidan waxa uu odhanayaa, Habartii docdeed iyo dagalkay ku noolayd daruuruhu ku hooreen dadka wada hel moodo, daad wararac bay tidhi waa se dumare yeelkeed, Cali Maxamed Warancadde taas ayuu u taagan yahay, oo haddii uu mooday in Somaliland sida ay u wada dhan tahay dooga Wasaaraddiisa ku yaala uu ku yaala, waxa aanu odhanaynaa waa se Cali yeelkii, waxa aanu odhanaynaa waa waa se Axmed iyo yeelkii, waxa aanu odhanaynaa qof waliba halkaas  Cali iyo Axmed ku jiraan ku buuxsanayaa hebel ama heblaayo ha ahaate wuxuu ku buuxsanaya cid alaale cidii uu doono, Cali waxa aanu leenahay Somaliland wada doogaas iyo barwaaqadaas maaha, ayaan darada kale ee taala waxa wweye in nidaamkani aanu ka xishoonaynin shaashada iyaga oo hor fadhiya inay hamaasadan, ama calanka lambar ku qoraan, ama sidii ina Warancadde u hadlaayey in inan yar oo saxaafadda oo wareysanayaayey inuu ku yidhaahdo haddii aanad Ceerigaabo ka iman waan ku xidhi lahaa,. Waa tii laga dagaalamayey teedii, imikana waa laga dagaalamaya, hadal, dimuqraadiyad, hadal cod iyo saxaafad ayaanu ku dagaalmaynaa”.