2 Haween Ah Oo Taariikh Ku Leh Islaamka: Hooyooyinkii Muuminiinta Caa’isha Iyo Khadiija (Alle Ha Ka Raalli Ahaado

0
95

Faafitaanka dhambaalka Islaamka ee Nebi Muxammed (SCW) uu Alle u soo dhiibay waxaa abaalkeeda leh haween iyo rag kala dambeeyey jilal badan oo u guntaday in diinta Islaamka ay gaadhsiiyaan aadamaah dhammaantii. Dadkaas oo ay ugu horreeyaan asxaabtii Nebigu, illaa maantana hadba jiil cusubi sii ambaqaado faafidda islaamka, waxaa ka mid ahaa haween ah oo ay taariikhdu qirayso in ay aasaas u ahaayeen faafitaanka waxbarashada iyo fahamka Islaamka. Midkood waxa ay taariikhda ku gashay kaalintii ay ka qaadatay diyaarintii nebiga iyo qaabilaaddiisii diinta Alle k usoo dejinayey, si uu dadka u gaadhsiiyo. Halka haweenayda kalana ay sharaf dheeraad ah ku heshay gudbinta cilmiga diinta ee ay nebiga afkiisa ka qaadatay.

Waa labadii hooyo ee muuminiinta, xaasaskii Nebi Muxammed (SCW) ee Khadiija Bin Khuwaylad iyo Caa’isha oo uu uu Imaam Dahabi Kitaabkiisa ‘Siyaru Aclaam A-Nubalaa’ ku yidhi “Umadda Nebi Muxamed (SCW) kuma ogi ruux gabadh ka aqoon badan”

Khadiija bin Khuwaylad

Khadiija oo geeriyootay saddex sano ka hor Hijradii Nebiga, waxa ay ahayd udub dhexaadka uu nebi muxamed (SCW) cuskado marka ay xaaladuhu ku adkaadaan. Iyada ayaa niyadda u dejin jirtay, iyada ayaa u gargaari jirtay, iyada ayaa ahayd ruuxii ugu horreeyey ee rumaysay dhambaalka Alle u soo dhiibay. Waxa ay noqotay qofkii ugu horreeyey ee aaminay xaqiiqada dhambaalka nebiga la soo faray, xilli dadka oo dhami ka ordeen, waxa ay rumaysatay nebiga xill dadka oo dhami beensadeen, waxa ay maalkeedii la garab istaagtay xilli dadku gacmahooda ka laabteen. Khadjiia Bintu Khuwaylad waxa ay waayeelnimo iyo xikmad yaab leh ku garab istaagtay ayaamo Nebiga (SCW) ku adkaa, oo cabsi iyo argagax badan uu ka qaaday kulankii koowaad ee loogu dhiibay dhambaalka.

Gabadha kale waa Caa’isha waa afadii uu ooryihiisa ugu jeclaa, waa inantii uu dhalay saaxiibkiisii koowaad ee hiil iyo hooba la garabtaagnaa tan iyo maalintii geeridiisa Abi Bakar A-Siddiiq. Caa’isha oo geeriyootay sannadkii 57-naad ee taariikhda Hijradu Alle ha ka raalli ahaado ee waxa ay si dhow ula socotay nolol maalmeedkii Rasuulka, waxa ay xogogaal u ahayd soo degistii Qur’aanka, waxa ay ahayd ardayadda koowaad ee ka soo baxday dugsiga nebinimada. Sida uu Imaam Dahabi ku sheegay kitaabkiisa A-Siyar ‘Ma jirto cid Qur’aanka uga aqoon iyo faham badan Caa’isha, mana jiro qof uga xogogaal san xaaraanta iyo xalaasha shareecadu dhigtay”

Caa’isha waxa ay ka mid tahay culimada loola noqdo fahamka shareecada, lana weydiiyo fatwada masalooyinka fahamkoodu adkaado. Waxa ay ka mdi tahay toddobada asxaabi ee loo qiray in ay yihiin muftiyiintii ugu waaweynaa ee wax laga weydiin jiray arrimaha Islaamka. Waxaa ka mid ahaa Cumar Bin Khadaab, Cali Ibnu Abi Daalib, Cabdillaahi Bin Mascuud, Sayid Bin Saabit, Cabdallah Bin Cabbaas, Cabdillaahi Bin Cumar iyo Caa’isha oo liiskan xagga hore kaga jirta.

Sida uu Imaam Tarmadi soo weriyey, Asxaabigii Abu Muusa Al-Ashcari (Alle ha ka raalli ahaado) ayaa sheegay in mar kasta oo uu xadiis nebiga laga soo weriyey uu ka murgo asxaabta nebiga (SCW), in ay weydiin jireen Caa’isha, oo uu sheegay in ay cilmigiisa ka soo heli jireen. Caa’isha waxa ay nebiga ka soo werisay axaadiis tiradoodu ka badan tahay laba kun, iyo 210 xadiis.