Coronavirus Oo Sabab U Noqday In La Sameeyo Maskaarooyin Garaad-san (Smart)

0
535

Iyada oo uu weli adduunyada fara baas ku hayo fayraska Corona ee aan dawada iyo tallaalka midna loo helin ayaa ay shirkadaha Tiknoolajiyadu ku soo biireen ganacsatada isu diyaarinaysa in ay dhaqaale ka sameeyaan xanuunkan, isla markaana ka qaybqaataan sidii dadka loogu fududayn lahaa la noolaanshiyaha duruufaha uu Fayrasku qasabka ka dhigay.

Hal-abuurkii tiknoolajiyadeed ee u dambeeyeyna waxa uu ka yimi shirkadda Donut Robotics ee dalka Jabbaan laga leeyahay oo soo saartay af-xidh (Maskaaro) ku shaqaynaya tiknoolajiyad oo lagu tilmaamay in uu garaadsan yahay.

Maskaaradan oo internet ka lagu xidhiidhinayo ayaa awood u leh in ay farriimaha ku soo dhaca taleefanka gacanta u turjunto afka uu qofku doonayo, kaddibna inta ay cod u rogto qofka u akhrido. Sida ay ku warrantay shabakadda wararka Tiknoolajiyada baahisa ee Cnet, maskaaradan cusub waxa ay shirkaddu u bixisay magaca C-Mask, waxaana laga dul gashanayaa maskaarada caadiga ah ee hadda la isticmaalo, kaddibna lagu xidhiidhinayaa tlaeefanka gacanta iyada oo la adeegsanayo Bluetooth ka. Hawlaha kale ee ay awoodda u leedahayna waxaa ka mid ah in hadalka qofka ay u beddesho qoraal kaddibna si fudud uga dirto taleefanka gacanta.

Daisuke Ono, agaasimaah fulinta ee shirkadda Donut Robotics oo u warramay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in maskaaradan cusubi ay xilligan lagu jiro cabsida Coronavirus dadka u fududayn doonto in ay fayraska ka hortagaan iyaga oo adeegsanaya maskaarada, isla markaana aanay caqabad ku noqonayn xidhiidhadii teknoolajiyadeed ee ay samayn lahaayeen.

Maskaaradan cusub ayaa ay shirkaddu sheegtay in suuqa ay soo gelin doonto sannadkan gudihiisa, iyada oo qiimaha midhka lagu iibin doonaana uu yahay 40 Doolar. Iyada oo intaas ku dartay in qorshaheedu uu yahay in maskaaradan ay gaadhsiiso suuqyada dunida gaar ahaan Maraykanka iyo Yurub.

Soo bixitaanka maskaaradan cusub ayaa ku soo beegmaya xilli ay dadka dunida badankoodu ku qasban yihiin in ay xidhaan maskaaro, isla markaana dib u dhaca ku yimi soo saarista dawooyin lagula tacaalo Fayraskani ay abuurtay dareen ah in uu sii daba dheeraan doono waqtiga isticmaalka maskaarada iyo tallaabooyinka kale ee lagu xakamaynayo Coronavirus ka.