2 Carruur Ah Oo Nool Ayaa Uu Hooyadood Oo Dhimatay La’ Aasay, 15 Maalmood Ayaanay Qabriga Ku Noolaayeen

0
571

Qaahira (Geeska)- Sheekadan uu Geeska Afrika maanta akhristayaashiisa la wadaagaya waxaa mar sii horreysay uu sii daayey talefanka dalka Masar ayaa lagu sheegay in ay tahay run, kana dhacday dalka Masar, waxa aanay u dhacday sidan;

Gabadh ayaa uu ninkeedii ka geeriyooday iyada oo leh Uur bilo yar ah. Waxa kale oo ay gabadhani hore u dhashay Inan 4 jir ahayd markaa uu saygeedu geeriyooday. Markii ay gabadhani ku dhowaatay xilligii dhalmada ayaa ay aad u xanuunsatay, nin weyni wedkii waa uu yaqaannaa ee markii ay aragtay in ay xaaladdeedu culus tahay ayaa ay u tagtay walaalkeed, waxa aanay ka codsatay in haddii ay teedii noqoto uu dabadeed u daryeelo inanta iyo ilmaha ay dhali doonto, haddii ay nabad ku kala timaaddo. Sidii ay filaysay ayaa ay u dhacday, oo iyada oo ay dhakhaatiiri ku guda jirto qalliin ay kaga dhalinayeen ayaa ay geeriyootay, laakiin nasiib wanaag ilmihii waa la soo badbaadiyey.

Markii aaskii gabadhan laga soo noqday ayaa uu walaalkeedii ay la sii dardaarantay soo qaaday labadii carruur ahaa waxa aanu keenay gurigiisa, laakiin war aanu filayn ayaaba gurigii kaga yimi.

Xaaskiisa oo sida la sheegay uu aad u jeclaa ayaa u sii diyaar garowday,  iyada oo cadho jiq ah ayaabay ku doodaysaa in aanay sinnaba labadan carruur ahi ugu noolaanayn guriga lagu qabo, “Amma aniga ama iyaga” ayaa uu go’aankeedii ku soo ururay.

Ninkani ujeedo uu ka lahaaba, inta uu sugay gabbal dhicii ayaa markii gudcurkii habeenimo dumay uu qaaday labadii carruur ahaa ee ay walaashii ka tagtay, waxa uu qoday qabrigii walaashii uu maanta ku aasay, markaasuu ku riday labadii carruurta ahaa. Markii uu dhigay ilmihii dhashay ee uu damcay in inanta roonna uu ag dhigo ayaa ay oyday inantii oo ka cabsi qabta godka madow ee abtigeed dhigayo. Inta uu aamusiiyey ayaa uu ku yidhi, “Abti, Hoo Toy-gan (Qalabka Carruurtu ku ciyaarto) oo marka uu walaalkaa ooyo ku ciyaarsii waan kuugu soo noqonayaa ee sii joog” Kadib inta uu iilkii ku daboolay ayaa uu dibadda uga soo baxay xabaal bilaashtii oo uu ciiddii ku rogay.

Maalintii labaad ayuu ninkii damiirka yar ee ku hadhay yara gubayaa uu soo maray qabriga uu carruurta ku aasay dushiisii. Waxa uu maqlay shanqadha Toy-gii yaraa ee uu inanta u dhiibay. Isaga oo argagaxsan ayaa uu ka tegey xabaashii. Maalintii xigtay ayaa ay naftu soo celisay bal hadda si uu u ogaado in tii shalay oo kale dhacdo. Waa ay dhacday oo isla codkii shalay ayaa uu mar kale maantana maqlay, isaga oo naxsan ayaanu mar kale ka tegey. Markan aad ayaa uu uga raagay oo muddo 15 dharaarood ah markii uu ka maqnaa ayaa uu ku soo noqday. Sidoo hore ayaanay markanna u dhacday oo waxa uu maqlay codkii toygii uu inanta yar u dhiibay.

Markan waxa uu is yidhi malaha maskax ahaan ayaanad fayoobeyn oo waxa aad maqlaysaa waa is-moodsiis. Inta uu dib ugu noqday magaalada ayaa uu dhowr qof soo kaxaystay, oo xabaashii uu dul keenay, dhammaantoodna waa ay maqleen codka uu ninkani maqli jiray. Kadib markii uu dadkii uga waramay qisada xabaasha iyo carruurta uu hooyadood ka daba geeyey, ayaa la go’aansaday in dib loo qodo. Arrinta mucjisada noqotayna waxa ay ahayd markii iilkii loogu tegey labadii carruur ahaa oo nool dhinacoodana uu jiifo maydkii hooyadood.

Dadkii waxa ay arrintii u sheegeen Booliiska deegaankaas, garsoorka, waxa kale oo loo keenay carruurtan dhakhtar caafimaad. Markii inantan yar la weydiiyey sida ay ugu jireen qabrigana waxa ay tidhi, “Marka uu walaalkaygan dhashay ooyo ayaa aan ku ciyaarsiinayey toy-gan si sanqadhiisa aan ugu maaweeliyo. Laakiin marka aan ka sanqadhiyo ayaa inta ay hooyadey soo kacdo ay naaska jaqsiin jirtay inankan yar, marka uu dhergana wey jiifsan jirtay. Marka aan anigu gaajoodana, adeer aanan garanayn oo xidhan dhar cad cad ayaa ii keeni jiray cuntada, marka aan dhergo ayaanu iga tegi jiray. Dhakhtar carruurtan baadhay ayaan sheegay in xaaladooda caafimaad ay fiican tahay.