Arrimo Burburiya Awoodda Maskaxeed Ee Qofka (Q:4)

0
614

Picture2Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii 4aad ee taxanihii uu Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayey arrimo ay khubarada cilmunafsigu xaqiijiyeen in haddii aanu qofku iska ilaalin ay ku keeni karaan burbur iyo hawlgab ku yimaada awoodda maskaxeed ee qofka.

10. Xoggaaga oo dhan ha isugu geyn gol jilicda qofka aad is haysaan: In kasta oo ay hubaal tahay in qofka aad is haysaan oo aad goljilicda taabtaa ay soo dedejio guusha, laakiin haddana khubarada cilmu nafsigu waxa ay aaminsan yihiin in ay taas ka fiican tahay adiga oo xoogga saara in aad muujiso meelaha aad adigu u xoggan tahay, ee aad qofkan ugaga sarrayso, guusha aad sidan ku gaadhaana ka weyn tahay.

Tusaale ahaan halkii aad ka odhan lahayd halkaas iyo halkaas ayaa aad u liidataa, qofka waxa aad tustaa meelo aad kaga fiican tahay. Qofka garanaya meelaha uu u liito, iyo meelaha uu ku xooggan yahay ayuun baa ah qofka garan kara waxa uu dhab ahaan doonayo? Iyo waxa ay tahay in uu sameeyo? Faa’ido badna kuma gaadhaysid in aad urursato gol jilicda dadka kale, waayo haddii aad taa ku mashquusho aakhirka adiguna daciif kale ayuun baad noqon.

11. Ha isku dayin in aad qof kasta raalli geliso: Marnaba ha filan in dadka oo dhami ku waafaqaan, waa qasab in ay jiraan qaar ku caaridsan, in dad ku caaridaan macnaheedu ma’aha in fikirka aad ku socotaa qaldan yahay, laakiin keliya waa khilaaf abuur ah oo shakhsiyad kasta ku jira. Hore ayaana loo sheegay in raalli gelinta aadamuhu ay tahay yool aan la gaadhi karin.

12. Naftaada ha ku canaanan arrin aanay waxba ka qaban karin: Dadka xikmadda lihi waxa ay garanayaan in wax yaabaha aanay waxba ka qaban karin ee dhacaya aanay naftooda ku canaanan. Tusaale ahaan timaaddada in ay ka fikiraan waa u caado, laakiin haddana in ay gacanta Alle ku jirto ayaa ay aaminsan yihiin, oo haddii malaha wanaagsan ee ay qabaan rumoobi waayo, nafta ku canaanan maayaan sababta ay u noqon weyday sida ay rabaan. In aad niyadsamaataana waxa ay naftaada mar kasta ku abuuraysaa raaxo iyo xasilooni.

13. Samir-darro: Samirku wanaag iyo fadli keliya ma’aha, balse waxaa u dheer in uu yahay furaha farajka. Waxaa hore loo yidhi, “Qofka oo wanaaggiisu aanu gaadhsiisnayn intii loo baahnaa, ama guulaysan kari waayey oo awgeed guul darradu kuma timaaddo, balse waxa ay ku timaaddaa qofka oo laga waayo samirkii hawsha uu wadaa u baahnayd, oo waqti hore is-dhiibi. Marar badanna waxaaba dhacda in qofku isaga oo guusha in yar u jira in uu is dhiibo oo hawsha uu ka tanaasulo, malaha waa sababta ay Soomaalidu u tidhi, “Fuloow, guule kuu dhoweydaa” La soco…