Midowga Yurub Oo Balan Qaaday Inay Gacan Ka Gaysan Doonaan Sidii Ay Diiwaangelinta Codbixiyayaashu U Noqon Lahayd Mid Wax Ku Ool Ah

0
508

Picture1Hargeysa(Geeska)-Midowga Yurub ayaa balan qaaday inay gacan balaadhan ka gaysan doonaan xoojinta sidii ay diiwaangelinta cod bixiyayaasha doorashooyinka Somaliland u noqon lahayd mid wax ku ool ah oo la isku halayn karo. Tom Vens, oo madax ka ah qaybta siyaasadda ee Midowga Yurub ayaa balan qaadkan sheegay. Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa qoraal kooban ay ku baahisay barta ay ku leedahay facebook waxay ku sheegtay balan qaadkan, ka dib markii uu kulan dhex maray wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis iyo ergaygan reer Yurub. Kulanka ayaa magaalada Hargeysa ka dhacay toddobaadkii hore mar uu wefti Midowga Yurub ka socdaa Hargeysa ku yimid booqasho.”Wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis ayaa la kulmay Tom Vens oo ah madaxa qaybta siyaasadda ee Midowga Yurub. Tom Vens waxa uu xaqiijiyey in  Midowga Yurub ay gacan ka geysan doonto xoojinta sidii ay diiwaangelinta codbixiyeyaashu u noqon lahayd wax-ku-ool. “ ayaa lagu yidhi qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda, waxaanay wasaaradu intaas raacisay  “Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay tahay ahaanna doontaa dal dimuqraaddi ah oo doorashooyin xalaal ah qabta”

Diiwaangelinta cod bixiyayaasha ayaa ah qodobka ugu horeeya ee weli hortaagan doorashada madaxtooyada iyo Baarlamaanka, waxaana la aaminsanyahay inay adagtahay in doroasho xor iyo xalaal ahi qabsoonto ina aan la samayn diiwaangelin la isku halayn karo taas oo haddii ay Midowga Yurub kaga dhabeeyaan balan qaadkodoa noqon karta caqabad laga horqaaday doorashooyinka.