Cajaayibta Iyo Duqruusta Lagu Cibro Qaadanayo Ee Ku Duugan Makhluuqa Alla (5)

0
468

Hargeysa (Geeska)- Waa qormadii Shanaad ee taxane gaaban oo uu Geeska Afrika akhristayaashiisa afka Soomaaliga ugu soo beddelay qaybo ka mid ah buugga Cajaayibta Makhluuqa oo uu qoray Mansuur Bin Muxammed Ash-Shariidah.

1. Bishaddu waxa ay leedadahay in ka badan boqol nooc oo codad ah, halka codka eydu uu ka leeyahay boqol nooc oo keliya.

2. Qudhaanjadu marka ay sumowdo (Cunto sun leh cunto) waxa ay u dhacdaa dhinaceeda midig.

3. Gorayada isheeda ayaa ka weyn maskaxdeeda.

4. Xayawaanka diibka loo yaqaanno (Madaxkutir) dhammaantii waa uu gurran yahay.

5. Lo’du kaabadaha sallaanka (Jaran-jarrada) waa ay kori kartaa, laakiin wax kasta oo ay samayso kama soo degi karto.

6. Tirada xiddigaha ee samada waxaa lagu qiyaasaa in ay ka badan yihiin tirada ciidda ee adduunka.

7. Tamarta mawjadaha ay fiidmeertu sii deyso marka ay duulaysaa waxa ay u dhigantaa tamarta xabadda madfaca ahi samayso marka la rido, laakiin haddana ta fiidmeerta ma maqli karno.

8. Xiddigaha aynu samada ku aragno qaarkood, waxa ay dhinteen Malaayiin sano ka hor, laakiin ilayskooda ayaa innaga hadda uun ina soo gaadhay oo muddadaasba soo socday.

9. Waxaa jira nooc shimbiro yaryarta ka mid ah oo labkoodu uu dhiso dhowr nooc oo buul-shimbireed ah, kadibna shimbirta dheddig ee ay wada nool yihiin (Xaas) uu tuso si mid ka mid ah oo iyada qanciya ay uga dhex doorato, kaas ayuun baanay aakhirka hoy ka dhigtaan.

10. Shimbirta qoollayda la yidhaahdo ee dhiddig waxaa dabeecad u ah in haddii uu mataankeedu (Saygeedu) dhinto aanay inta nolosheeda ka hadhay wax xidhiidh ah la samayn lab dambe. Waxa kale oo yaab leh in shimbirtani aanay oohinta murugada dhimashada mataankeeda joojin inta ay nooshahay oo dhan. La soco…