138 Arday Oo Ka Qalin Jebiyay Kuuliyadda Caafimaadka Ee SHIFA

0
578

Picture2Hargeysa(Geeska)-Kuliyada Caafimaadka ee SHIFA  ayaa xaflad balaadhan oo qalin jabin ah u qabtay 138 arday oo kuliyadaas caafimaadka mudo sadex sano ah ka barnaayay shaybaadhka iyo waliba neersinka.

Ardaydan ayaa ahayd dufcadii tobnaad ee ka baxda kuuliyadan caafimaadka ee Shifa oo haatan shaqaynaysay mudo 14-sanadood ah. Waxaana xafladan qalin jabinta ah ka soo xaadiray Dhakhaatiir kala duwan,  ka socday wasaarada waxbarashada,masuuliyiin ka socotay jaamacada Hargeysa, Salaadiin,Waalidiin iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Ardayda ka qalinjabiyay kuliyada caafimaadka ee Shifa ayaa kala ahaa 99 bartay neersin iyo 39 bartay shaybaadhka, waxaana xafladan lagu gudoonsiiyay shahaadooyinkoodii cadaynta u ahaa mudada sadexda sanadood ah ee ay baranayeen xirfadan caafimaadka.

Maamulaha kuliyada caafimaadka ee Shifa Md.Cali Axmed Cali oo hadal kooban ka jeediyay furitaankii xafladaas ayaa ka warbixiyay ardayn qalin jabinaysa waxaana hadalkiisa ka mid ahaa   “ Waxa halkan inoogu  qalin jabin doona 99 arday oo ah neeras iyo 39 arday oo iyagu ah shaybaadhka, runtii kuliyadan waxaanu aasaasnay 1999-kii wakhtigaana bulshadeenu may haysan barasho caafimaad iyo dad u diyaar ah oo buuxin kara shuruudahii caafimaadka, markii laga soo doogay dhibaatadii dagaalka waxaanu aasaasnay kuliyadan caafimaadka ee Shifa ilaa wakhtigaana waxa ka qalin jabiyay toban dafcadood oo ay tan maanta ugu danbayso. Waxa ay maanta halkan nagula fadhiyaan dhaqaatiir aad u badan oo ka soo baxay jaamacadaha dalka markii horena ka qalinjabiyay kuliyadan caafimaadka ee Shifo, waxa kale oo halkan inala jooga shaqaale kale oo cisbitaalada dalka ka shaqeeya kana  qalin jabiyay kuliyadan shifo.”

Agaasimaha Macaahiida tacliinta sare ee wasaarada wax barashada Prof.Maxamed Jaamac, ayaa si diiran u soo dhaweeyay ardayn qalin jabinaysay waxaanu u soo jeediyay dardaarano kala duwan oo la xidhiidha sidii ay u sii wadan lahaayeen kobcinta aqoontoodan iyo waliba ku da’daalista inay dadkooda wax taraan waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “ Waxa aan u hanbalyaynayaa ardaydan qalin jabinaysa ee uu soo saaray dugsigan caafimaadka ee shifo, ardaydan waxaan kula dardaarmayaa inay aqoontooda halkaas ka sii wadaan oo ay sii kobciyaan, midna ay aad u ogaadaan dadka Soomaalida ah waa dad garaad badan oo la tartami kara dadka cadaanka ah markaas hays odhanina kuwaas ayaa wax idin dheer, tacliintiinana siiwada ilaa aad dhakhaatiir waawayn noqotaan.”

Md.Khadar Ibraahin Maxamed oo ah gudoomiyaha shaybaadhlayaasha Somaliland ayaa isaguna gacmo furan ku soo dhaweeyay ardaydan, waxaanu sheegay in ay tahay kuliyadan caafimaadka ee Shifo goob wax soo saar, Somalilandna aanay cidina ku caawin dhakhaatiir balse lagu caawin karo qalab caafimaad iyo daawooyinba, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “ Waxa ii farxad ah ka soo qaybgalka xafladan lagu soo saarayo xirfadlayaasha caafimaadka runtiina waa warshad hanbalyo umadan,waa la heli karaa qalab caafimaad iyo cisbitaaloba laakiin cid kugu caawain karta maanta 138 arday ee soo baxay ma jirto markaas waa wax weyn oo soo kordhay,sii wada aqoonta caafimaadka ee aad hada bilawga u tahiin.”

Agaasimaha cisbitaalka Shifo Dr.Maxamed Xaashi oo isaguna xafladan ka hadlay ayaa soo dhaweeyay ardaydan qalin jabisay, waxaanu si gaar ah u tilmaamay in ardaydan oo ku soo qaadatay cisbitaalkooda tabo barada inay yahiin kuwo ka dhisan aqoon iyo waliba akhlaaq, waxaanu ardayda qalin jabinaysay kula sii dardaarmay inay wakhti galiyaan sidii ay aqoontooda u sii kobcin lahaayeen.

Ugu danbayntii waxa halkaas lagu gudoonsiiyay shahaadooyinkoodii ardaydii xafladan qalinjabinta ahayd loo qabtay, waxaana  dadkii mudnaa ee bulshadaas ay halkaas uga jeediyeen hadalo u badan dardaaran iyo dhiiri galin.