Xiisadda Kuriyada Waqooyi Oo Sii Kululaatay Iyo Hanjabaadda U Dambaysa Ee Ay Maraykan U Dirtay

0
596

Picture3Dawladda Mareykanka ayaa sheegtay inay filayso in Kuuriyada Waqooyi ay ridi doonto mid ka mid ah gantaaladeeda maalmaha soo socda, isla markaana uu Mareykanku u diyaargaroobayay ka hortago weerar uga yimaada dhinaca Pyyongyoung.

Kuuriyada Waqooyi ayaa Khamiistii sheegtay in ciidankeeda militariga la siiyay oggolaanshihii ugu danbeeyay ee weerar nuclear ah oo ay ku qaadaan Maraykanka.

Khubarrada badankood ayaa iyagu aaminsan in xukuumadda Pyongyang aanay  awood u lahayn inay hubka nuclear ah ku weerarto Marayaknka. 

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa uga digay Kuuriyada Waqooyi inay xakameyso hanjbaadeeda Nukliyeer, isagoo sheegay in go'aan khaldan oo ay qaadato oo dagaal ay kula gasho Seoul iyo Washington uu cawaaqib xummo keeni karo.

Wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in ciidamada qalabka sida ee dalka la siiyay wax ay ugu yeedhay oggolaanshihii ugu dambeeyay ee ay ku qaadaan dukheyn militeri dalka Mareykanka iyaga oo isticmaalaya hubka nukliyeerka.

Waa middii ugu dambeysay hanjaabo xidhiidh ah oo ay soo saaraysay dowladda Kuuriyada Waqooyi kuwaasi oo kor u qaaday xiisadda.

Taliyaha ciidamada Pyongyang ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inay tallaabo aan naxariis lahayn kaga jawaabaan wax uu ku tilmaamay hanjabaada qar iska tuurka ah ee Washington.