“Beeshu Meelna Kumay Shirin Xukuumadana Kama Cabanayso”: Xildhibaan Aadan X. Diiriye Dirir

0
4125

Picture1Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Aadan Xaaji Diiriye Dirir( Sanqoole ), ayaa sheegay in aanu jirin shir ay qabsadeen odayaal beeshiisa Maxamed Ciise ka tirsan, waxaanu codsaday cida cabanaysaa in aanay magaca reer isticmaalin iyada oo waliba aan xusin magacyadoodii oo qariyay.

Waxa uu sidan ku sheegay xildhibaan Aadan Sanqoole mar uu xalay khadka tilifoonka kula soo xidhiidhay wargayska Geeska Afrika, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan   “ Waxa warkaygka Yool ku qornaa rag cabanaya oo sheegay inay ka tirsan yahiin beesha Maxamed Ciise ee Ciise Muuse, anaga ayaana ah odayaashii beesha markaas in uu qofku cawdo oo madaxweyne ha ka cawdo ama qof kaleba uu ka cawdo waa wax iska caadi ah, laakiin dadkan cabanaayay inay magaca beesha ku hadlaan magacyadoodii aanay meeshaba ku qornayn waa wax laga fiican yahay, markaas arinkaasu in la soo cadeeyo ayuu u baahan yahay.beeshuna meel ay ku shirtayna ma jirto cid ah ka qabatayna ma jirto.”

Waxa uu xildhibaanku ku taliyay in qofka cabanayaa cida uu doonaba ha ka cawdee inuu magaciisa isticmaalo.