Kelmado Sannadkii 2014 Si Rasmi Ah Loogu Daray Qaamuuka Afingiriisiga Iyo Kelmadaha La Soo Gaabsado

0
753

Hargeysa (Geeska)- Qaybtii Afaraad ee qormo uu Geeska Afrika ku soo bandhigayey tiro ka mid ah ereyada sannadkii 2014ka si rasmi ah loogu aqoonsaday in ay ka mid yihiin afka Ingiriisiga laguna qori doono qaamuuska afkan.

Humbleberag:  Waa erey loo isticmaali sheegista ama tilmaamidda qof lagu durayo in is-dhul-dhiggiisa iyo kibir ka fogaantiisu ay tahay samays iyo iska yeel-yeel. Ama qof wanaag dusha ka muujisanaya oo aanay qalbigiisa u daadagsanayn. Tusaale ahaan, “Toban kun oo doolar ayaa aan ugu deeqay xarunta agoomaha… waanan jeclaan lahaa in aan lacag intaas ka badan haysto si aan ugu tabaruco” qof caynaas yidhi oo aad aaminsan tahay in aanay niyad ka ahayn ayaa lagu tilmaami karaa Hubmlebrag

Acquihire (N): Marka ay shirkad weyni iibsato shirkad yar iyada oo ujeedada keliya ee ay ka leedahay ay tahay in ay la wareegto khubarada iyo xeeldheerayaal shaqo oo shirkaddan yar jooga, ayaa loo isticmaalaa ereyga Acquihire.

Time suck: Eregyagani waxa uu ka dhashay isugeynta labada erey ee Time oo waqtiga ah iyo suck oo jaqis ama nuugis ah, laakiin marka ay erey keliya isku noqdaan oo ku cusub afka ingiriisiga macnaheedu waa haw lama shaqo aan faa’ido lahayn ee waqti lumis keliya keenaysa, ayaa la odhanayaa hawshaasi waa time suck.

Crony Capitalism:  Ereygan oo ayn ku macnayn karno “Hantigoosadka saaxiibtinimo” waxa uu asal ahaan isaga geysan yahay labada erey ee Crony oo ah saaxiibtinimada aadka la isugu dhow yahay iyo capitalism oo hantigoosadkii ah.

Dunida maanta waxaa aad isu dhex galay siyaasaddii iyo dhaqaalihii, waxaana in badandhacda in ganacsatadu ay saaxiibtinimo aad u dhow la yeelatay siyaasiyiinta, taas oo aalaaba keenta musuq maasuq dhaqaale iyo dalka loo dejiyo siyaasado iyo shuruuc u danaynaya ganacsatada ama maalqabeenka iyo siyaasiyiinta oo keiya, maatadana aan loo joojinayn, xaaladda noocan ah ayaa hadda afka ingiriisiga marka lagu cabirayo la yidhaahdaa, Crony Capitalism. Waana erey sannadkii 2014 ka loo aqoonsaday in ka mid  noqdo afka oo qaamuuska lagu daro, isaga oo labadaa qaybood ee isu yimid ah.

First world problem: hawraartan oo macnaheeda tooska ahi noqonayo dhibaatada dunida koowaad ama hore. Waxaa lagu cabbiraa mushkiladaha aan macnaha buuran lahayn marka la barbar dhigayo mushkilad weyn. Asal ahaan waxaa looga jeedaa in mushkilad ay ka cabanayaan dadka ku nool dunida horumartay oo iyaga aad ula weyn aanay wax weyn ahayn marka loo eego dhibaato dunida saddexaad ka cabanayso. Si guudna waxaa loo adeegsadaa shay kasta oo lagu tilmaamayo in aanu dhibaato weyn ahayn marka loo eego dhib kale. tusaale ahaan qof ayaa guul uu gaadhay awgii aabahihii hadyad uga soo dhigay gaadhi Mercedes ah oo cusub, laakiin waxa uu ku cabanayaa in gaadhigaasi aanu ahayn noocii Sports ka ahaa ee uu rabay. Adiguna waxa aad ogtahay dad aan gaadhiba heli karin iyo dhibaatoyin dhaqaale oo dad badan oo qayrkii ah haysta, waxa aad ku odhan kartaa, “First world problem” ayaa aad ka cabanaysaa. Dhammaad.