10 Caado Oo Dadka Guuldarraystaa Ay Caan Ku Yihiin (2)

0
1012

Washington (Geeska)- Qaybtii labaad ee qormadii ka warramaysay tobanka caado ee qofka ka hor istaaga guusha.

  1. Hadal uun ha wadin

“Waxa aan doonayaa in aan orodka marathon ka ku tababarto” … “Ganacsi baan bilaabayaa”  ma ogtahay in shayga oo aad ka sheekayso ama warbaahinta bulshada hadba fikirkiisa ku soo bandhigto, in ay ka fiican tahay shayga oo aad hawshiisa ku dhaqaaqdo?

Maalgashade Derek Siver ayaa mar uu sannadkii 201 ka ka qaybgalay barnaamijka ‘TED talk’ talooyinkii uu bixiyey waxaa ka mid ahayd, “Yoolashadaada naftaada u hayso” waxa uu ku dooday in qorshayaashaada oo aad baahisaa aanay sida aad moodays dhiirrigelin ugu noqonayn ku socoshada hawshan, balse lagaba yaabo in ay lid ku noqoto waxsoosaarkii aad rabtay.

Waa dhab in marka aad qorshahaaga sheegto ama baraha bulshadu ku xidhiidho aad ku faafiso in ay dadku u bogi doonaan, laakiin waxa ay u dhowdahay in u sacabbo tunkaas dadku u sameeyeen qorshahaagu ay qalin daari ku noqon karto rajadaadii ahayd in aad ku sii socoto qorshaha aad dejisatay.

Marka aad dad u sheegto yool iyo qorshe aad leedahay, ee ay u bogaan, waxaa abuurma dareenka ay culimada cilminafsigu afka Ingiriisiga ku yidhaahdaan ‘Social reality’ laakiin Sivers waxa uu sheegayaa in marka aad qorshahaaga iyo yoolka aad leedahay dakda uga warranto ee ay aad ugu bogaan in uu kugu beermayo dareen isu-bogis ah oo ay naftu u qaadanayso sida in ay qorshihii fulisayba ama yoolkii ay lahayd gaadhay. Marka uu dareenkaas is qancinta ahi nafta galana waxaa xiga in qofka uu ka lumo dareenkii xiisaha ahaa ee ku dhiirrigelinayey in uu shaqada runta ah qabto.

Ceeb ma’aha in waxa aad xiisaynayso aad dadka la wadaagto, laakiin ku dadaal in aad afkaaga haysato illaa aad si dhab ah u dhammaystirayso qorshaha aad leedahay.

  1. In waqti lagu lumiyo dad aan ku habboonayn

Saaxiibbada aad isku xeertaa, waxa ay kugu dhiirrigelin karaan in ay naftaadu sida ugu fiican noqto, ama waxa ay bannaanka soo dhigi karaan dhinacyadaada ugu foosha xun.

Tusaale ahaan haddii yoolka aad leedahay uu yahay in aad caafimaadkaaga wanaajiso. Isku xidh dadka kugu dhiirrigelinaya in aad samayso isbedellada nololeed ee aad u baahan tahay. Haddii aad doonayso in aad ku guuldarraysato yoolkaagana, waxa aad waqti badan la qaadatay dadka ku faraxsan dabeecadahooda xun.

Ogow, in dadku tamarta iyo dhiirrigelinta ay isku talaalaan.

  1. Mar kasta dhinaca taban ha eegin

Waxa aad xoogga saari kartaa in aad dhinaca togan wax ka eegto, laakiin adiga oo aan iska moodsiinayn in noloshu ay wax sahal ah tahay. Aragti runta ku qotonto ayaa aad arrimaha ku qiimayn kartaa, adiga oo aan haddana farta ku fiiqayn dhinaca xun ee uu leeyahay shay kasta oo aad aragtaa.

“Ooh, roob baa saka da’ay, kabihiina waa ay iga qoyeen” Intii aad intan ku calaacali lahayd, waa in aad garwaaqsato xaqiiqada ah ‘in kabuhu qoyeen .. iyo in aanad waxba ka qaban kari cimilada” sidaa awgeed aad ku dhaqaaqdo waxa aad qaban karto oo ah in aad kabaha iska beddesho oo laba beer oo kale xidhato.

Way dhacdaa in marmar ay maalintu kaa xumaato. Marmarka qaarkood ayaabay wax kastaaba kaa cadhaysiinayaan. Laakiin haddii aad mar kasta wax kasta nacdo, waxaa hubaal ah in ay noloshaada oo dhami xumaanayso.

  1. Caga jiid iyo waqti lumis

Waqtigii aan jaamacadda dhiganayey, ayaan maalin maalmaha ka mid ah macallinkii ka codsaday in uu ii kordhiyo waqtiga la soo xaraynayo waajibaad uu naga rabay. Jawaabtiisu waxa ay noqotay, “Aad baan ugu raalli ahay in aan waqtiga kuugu kordhiyo hal toddobaad oo kale. Laakiin su’aasha keliya ee aan ku weydiinayaa waxa ay tahay, ma ii ballanqaadaysaa in qoraalka ‘Warbixinta’ aan kuu diray ay ka fiicnaanayso, warbixinta aad halka toddobaad ee aan kuu qabtay ku soo dhammaystirayso?”

Aniga iyo macallinkuba waanu garanaynay in jawaabta su’aashaasi ay “MAYA” tahay, sidaa awgeed guntiga ayaan u gaabsaday in aan waqtiga toddobaadka ah ku soo dhammaystiro waajibaadka macallinku ii dirayey.

Weliga hawl qabashadeeda dib ha u dhigan, illaa aad hubto in dib u dhigistaasi ay shaqada sii wanaajinayso. “Imika hawsha qabo. Ama mar dambe si ka fiican sida imika u qabo”

  1. Ha dhegeysan dadka kale

In aad dhegeyste fiican noqotaa waxa ay kugu hagi kartaa jihada saxda ah, laakiin waa waqti dheer kaddib. Waxa kale oo ay kaa caawinaysaa in aad samaysato xidhiidho qiimo badan oo dhow.

Qof kastaa marka aad ka soo hor baxdo laabta-laabta waa uu kuu saari karaa, laakiin qof kastaa kuugulama soo xidhiidho keliya si uu kuu salaamo. Sidaa awgeed waqti ku habboon sii. Dhegeyso, wax wedii, dareenkaaga u jeedi, kun celi hadalka.

  1. Isu dhiibidda caajiska

Qof kasta waxaa soo mara waqtiyo uu ku jiro xaalado uu wahsi iyo caajis u joojiyo qorsheyaal uu hore ugu talagalay in uu fuliyo. Marmarka qaarkood in aynu guriga ka baxno ayaa innagu dhib ah, xitaa haddii hawsha aynu u baxaynay ay ahayd mid xiise inoo leh. Ogow in waayo-aragnimada cusub iyo qisooyinka innaga hor imanayaa ay yihiin kuwa nolosha qurxiya. Marka aad isu dhiibto wajhsiga, waxa aad ku guuldarraysanaysaa in aad naftaada ka qaybgeliso waxyaabahaas ku cusub ee nolosha u qurxin lahaa. Sida oo kale wahsigaagu waxa uu dulmi ku noqonayaa qoyskaaga, jaalkaaga iyo dadka kuguxeeran ee doonaya in ay kula wadaagaan waayo-aragnimadaas cusub.

  1. Faduuli ha noqon

Dhaqannadii hore waxaa la odhan jiray wiilku shaqada aabihii ayuun buu qabtaa. Gabadhuna fursad uma hesho in ay noqoto waxa ay doonayso in ay noqoto.

Waxaa xaddidnaa ama aan suurtagal ahayn awoodda uu qofku u leeyahay in uu barto wax ka baxsan duruufaha iyo dunidan dhow ee ku xeeran. Inkasta oo aanay maanta sidii hore ahayn, oo in war iyo xog la helaa ay ka fududahay sidii ay ahaan jirtay. Haddana weli waxaa jira xayndaabyo nidaam oo qofka ka hor istaaga waxa uu qaban kari lahaa. Waxa se hubaal ah in dadka kartida u leh in ay ka faa’iidaystaan gaadhista warka iyo xogta ee fududaatay. Tusaale ahaan qofka ku dadaala in uu buug akhriyo, su’aalo weydiiyo dadka aqoonta leh, iyo dadka wax baadhista badan ee jecel in ay wax kasta ka war keenaan, waxa uu qofkaasi awood badan u helaa in uu sawiran karo mustaqbalkiisa, isla markaana nashaqad u samayn karo mustaqbalkiisa. Waxa aad ogaataa in ay adag tahay in aad ku riyooto wax, aanad garanaynba.

  1. Qof fiican noqo

Qof fiican noqo. Haddii ay kugu adagtahay in aad qeexdo waxa uu yahay qof fiicani, waxa ay u dhowdahay in aad axmaq tahay.

  1. Ha is dhiibin

Thomas Edison oo ahaa hal-abuur Maraykan ah; ahna ninkii ikhtiraacay dab-dhaliyaha korontada, qulqulka war-is-gaadhsiinta, duubista codka iyo dhaqaaqa sawirrada. ayaa sheegay in jidka ugu fiican ee guusha loo maraa uu yahay, in kasta oo wax kaa qaldamaan aad mar kale ku celiso. Guushu fadhi iyo is tijaabin la’aan kuma timaaddo. Waxa uun ay inta badan ku timaaddaa in marka hore la guuldarraysto oo haddana lagu celiyo dhowr jeer.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here