Dawladda Seychelles Ayaa Xukuumadda Somaliland Ku Eedaysay Inay Burisay Heshiis Ka Dhexeeyey Labada Dal, Waxanay Dacwad U Gudbinaysaa Qaramada Midoobey

0
824

Hargeysa (Geeska)- Dawladda Seychelles ayaa Somaliland ku cambaaraysay sii deynta 19 maxaabiistii budhcad badeedda ka mid ahaa oo uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi cafiyey ka hor intii aanay dhammaysan xukunnadii ay ku rideen maxkamadaha dalkaas oo Somaliland u soo wareejiyey si ay xukunka ugu dhammaystaan.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Seychelles ayaa war ay soo saartay khamiistii 1 Ogos waxa ay ku sheegtay in dawladda Somaliland ay sii deysay xukunsaneyaal, ay maxkamadaha dalka Seychelles ku rideen xukunno xabsi oo ahaa 30 sano, 36 sano iyo 42 sano, kaddib markii ay ku heshay dembiyo budhcad badeednimo.

War lagu faafiyey wakaaladda wararka ee dawladda Seychelles ayaa lagu sheegay in dawladdan oo ah jasiirado ku taalla galbeedka badweynta Hindiya ay qoraal cabasho oo rasmi ah u dirtay dawladda Somaliland, iyada oo u muujinaysa sida aadka ah ee ay uga soo horjeeddo sii deynta maxaabiistaas aan xukunkooda dhammaysan.

Agaasimaah waaxda arrimaha badaha ee wasaaradda arrimaha dibadda Seychelles, Marwo Maadliin ayaa qoraal ka soo baxay wasaaradda ku sheegtay in warka sii deynta maxaabiistaasi uu u qaadan waa ku noqday, maadaama oo ay ahayd tallaabo ay dawladda Somaliland qaadday iyada oo aan kala tashan dawladda Seychelles ee heshiisku ka dhexeeyey. Iyada oo go’aanka dhinaca keliya ah ee ay Somaliland ku qaadatay sii deynta maxaabiistanna ku tilmaamay in ay burin ku tahay qodobbada heshiiska labada dal, oo caddaynaya in awoodda dib u eegista xukunnadan ay leedahay dawladda Seychelles.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Seychelles waxa ay ayaa sida oo kale warqad u qortay dawladda Maruushis iyo urur gobaleedka Indian Ocean Commission oo haya guddoomiyenimada ‘Kooxda xidhiidha budhcad badeedda xeebaha Soomaaliya’ ee fadhigoodu yahay New York, iyada oo ka codsanaysa in ay taageeraan cambaarayn wadajir ah oo ay beesha caalamku Somaliland ugu soo jeediso sii deynta 19 ka maxbuus ee aan waqtigoodii dhammaysan, iyo in arrintan lala socodsiiyo xoghayaha guud iyo golaha ammaanka ee Qaramada midoobey.

Tallaabada ay Somaliland ku sii deysay maxaabiista ayaa ay dawladda Seychelles u aragtaa in ay khatar ku tahay dadaallada loo galay dagaalka ka dhanka ah budhcad badeedda iyo in ay khatar gelinayso ammaanka badweynta Hindiya, sida ay sheegayso wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Seychelles waxa ay qoraalkeeda ku sheegtay in go’aanka Somaliland uu wacad fur ku yahay iskaashigii ay dhinacyadu ku gaadheen in sababo bani’aadamnimo awgeed, budhcad badeedda la xukumo lagu xidho Somaliland.

Sannadkii 2011 kii ayaa ay Seychelles iyo Somaliland kala saxeexdeen heshiis Is-faham oo ahaa in budhcad badeedda ciidamada caalamiga ahi badaha ka soo qabtaan lagu maxkamadeeyo dalka Seychelles kaddibna loo soo wareejiyo Somaliland. iyada oo heshiiskaas lagu dhaqmayo ayaa sannadkii 2012 kii Somaliland loo soo wareejiyey 19 maxbuus oo ahaa budhcad badeed lagu maxkamadeeyey dalka Seychelles, waxa aanay dawladda Seychelles ku doodaysaa in heshiisku uu ahaa in maxaabiistu ay dhammaystaan xukunnadooda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here