Xildhibaan Ka Tirsan Wakiilada Oo Sheegay In Mushkiladda Ka Taagan Gobolka Sanaag Ay Golayaasha Hor Keeni Doonaan

0
850

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa sheegay inay Golayaasha hor keeni doonaan mushkilada iyo xaalad ka taagan Gobolka Sanaag, si xal qaran loogu raadiyo, waxaanu si gaar ah talo ugu soo jeediyey Madaxweyne Muuse Biixi, oo uu ugu baaqay inuu ka fiirsado waxyaabaha uu ku hadlaayo.

Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in heshiiska Xisbiyadu uu yahay qabyo, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Askarta Ciidamada ah ee la dilay aad baan uga xumahay, dadkii shacabka ahaa ee dumarka u badnaa ee mudaharaadayey ee xabaduhu ku dhaceena iyana dhibta soo gaadhay aad baan uga xumahay, waxay ahayd inay Xukuumaddu baadho oo baadho waliba cidii ay waxaasi ka dhaceen, laakiin mahay ahayn inuu Madaxweynuhu yidhaahdo reer hebel oo aanu cagta saari karno, ee Madaxweynaha waxaan leeyahay reerka markii hore cagtu saarnayd, ma adiga yaa hore u saaray, cagtan se la saarayo yey ku taala, Madaxweynuhuna wuxuu caddeeyey inuu cagtaas uu isagu lahaa, hore wey u saarnayd ee cidda ay ku taalo cagtaasi yaa la garan lahaa, waxaanu si toos ah u caddeyey inay isaga cagtaasi ku talay, dulqaadkuna maaha doqonimo, ee Madaxweynaha waxaan leeyahay dulqaadku waa waxaad hogaamiye ku noqon karto, xawayaanka marka dulqaadkooda la sheegayo dameerka ayaa tusaale lagu soo qaata oo la yidhaahda waa hogaamiye, dameerkuna waa taas lagu shaqeeynayo ee la dilayo, ee laga tagaayo, hogaamiyuhuna waa inuu noqdaan damreer dad, ee Madaxweyne dulqaadku doqonimo maaha ee ha ku khaldamin, hogaamintuna yaanay meel kale kula galin, ee Madaxweyne arrimaha ka socda Gobolka Sanaag gacantaada yey ku jirtaa inay sii socoto iyo inaad soo af jarto, Shacabka halkaas degana waxaan leeyahay qalalaase socda horumarkiina ayuu wax yeela, ee idinkuna qaranka kala shaqeeya sidii loo soo af jari lahaa mushkilada, oo Xukuumadda kala shaqeeya, oo idinku marka hore ka shaqeeya, haddii ay Xukuumaddu xal u heli weydo madaama intii hore lagu eegayey, waxaa qasab ah in Golayaashu baadhis ku sameeyaan, madaama ay tahay mushkilad qaran, oo madaama uu ilaa Madaxweynihii uu dulqaadkii nacasnimo ku sheegay, waxaana qasab ah in aanu Golayaasha hor geeyno, oo Golayaashu ka hadlaan sidii mushkiladaas xal qaran loogu raadin lahaa”.

Mar uu ka hadlaayey heshiiska Xisbiyada ayaa yidhi “Xisbiyadu heshiiyeen laakiin Doorashadu wakhtiga ay qabsoomayso lama hubo, madaama wali heshiiskoodu qabyo yahay, ee wixii kale ee Doorashada ku xidhan ee saami qaybsi leh, wali xal looma helin, waxaanad mooda inay wali mushkiladii ka meeraysanayaan, waxay qudha ee ku hesihiyanaa waa in Komishanka sagaal laga dhigo oo Golaha loo gudbiyo, haddii Goluhu diidana todobadii sharci noqoto, markaas bal aynu eegno talaabooyinka qabyada ah ee dhamaystirkoodu maqan yahay halkay ku dambeeyaan”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here