Wajigii Labaad Ee Wadada Isku Xidha Hargeysa Iyo Salaxlay Oo La Dhagax Dhigay

0
483

Toon(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa dhagax dhigtay wajigii labaad ee wadada isku xidha Hargeysa iyo Salaxlay oo shan Km ah, taas oo ka bilaabmaysa magaalada Toon. Dhagaxdhigan ayaa ah fulinta balanqaad uu Madaxweyne Siilaanyo hore u sameeyay oo ahaa inay xukuumadiisu ka qayb qaadanayso dhismahan jidkan laamayga ah oo ay shacabka deegaanku hore u fuliyeen.

Xaflad  kooban oo loo qabtay dhagax dhiga  wajigan labaad ee wadada Hargeysa iyo Salaxlay oo ka dhacday tuulada Toon, waxa ka soo xaadiray wasiirada madaxtooyada,caafimaadka iyo wasiir ku xigeenka war-faafinta, ruug-cadaaga caanka ah ee Xaaji Cabdiwaraabe, xildhibaano ka tirsan golayaasha sharci dajinta ,ganacsato iyo marti sharaf kale.

Wasiirka madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali iyo gudoomiyaha hay’ada wadooyinka Xasan Cali Cismaan ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay wadadan. Waxaana ugu horayntii halkaas ka hadlay gudoomiyaha hay’ada wadooyinka Xasan Cali Cismaan waxaana hadaladiisa ka mid ahaa  “ Waxaan gudida iyo dadkaba u sheegayaa  inay hawshani tahay mid muhiim ah oo aynu qaban karno, wax’aynaan qaban karin ma jirto, waxaan xasuustaa maalin ayaan hal fariin u dirnay reer Somaliland oo aanu ku leenahay waar hal doolar noogu soo rida oo aanu wadada Awdal ku dhisno, waxay ahayd maalintii noogu cajiib badnayd habeenkii ugu horeeyayba waxa naloogu soo rideen 45000 ( Shaniyo afartan kun oo dolar), waxan aamisanahay  hadii aynu israacno inaynu dariiqan ku dhamayn karno laba bilood oo kaliyaata. Hadii aan magaca wadooyinka sito waan idinla joogayaa maalin waliba ilaa intay ka dhamaanayso wadadani.”

Xaaji Cabdikariin Cabdi Xuseen ( Xaaji Cabdi Waraabe ) oo ka mid ah hal doorka Somaliland oo dhagax dhigistan ka hadlay ayaa dadka reer Somaliland iyo dadka deegaanka wadadu maraysoba u jeediyay dardaarano kala duwan “ Maanta wadadii ayaynu samaynaynaa iyada oo uu dhagaxii dhigay wasiirka madaxtooayda oo madaxweynii ka wakiil ah waana alle mahadii ee alle nabadgalyada haynoo adkeeyo. Waxaan ku darayaa wadadaasi Somaliland iyo dawladnimada ayay dhisaysaa xaafad ahaana waa ay inoo dhisaysaa, ninka wax kala hadha ee xaafadan ah waa mid aan gaashaan qaad ahayn, ninka neef adhi ah hayaa habixiyo, ninka neefgeel ah hayaa ha huro, kii lacaghayaana ha baxiyo abaabul gudidu ha samayso oo sanduuq ha dhigto calaamadaha.  Haddii qaadka maalin la joojiyo oo hal doolar lagu rido caawimo ayay soo baxaysaa ninka xoolaha badan leh uun yaan la eegin ee ninba waxii uu heli karo sanduuqaas haku rido.”

Wasiir ku xigeenka war-faafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir oo isaguna halkaas ka hadlay waxa uu yidhi “ Magaca deegaanka iyo magaca dadkaba waxaan ugu mahadnaqayaa madaxweynaha Somaliland iyo wasiirka madaxtooyada, go’aanka ay ka dhabeeyeen ee ay ku garab galeen wadada Salaxlay Hargeysa inay dhamaato, waxay inoo hibeeyeen oo ay inoo amreen inay rumeeyaan qadarkii ay gudidii beesha ee wadada waday ay ka codsadeen, waxay ku dareen intaasi idinkuma filnee aanu idinla dhamayno ilaa Salaxlay. Dadka qabyaalada inagaa ugu da’ waynayan oo boqorbaabaynu u lahayn markaas qabyaalada dhiniceeda wanaagsana waa in aynu boqor ugu noqonaa, Somaliland Saaka waxa laandheere ah ninkii wado todobaatan Km ah dhameeya.”

Wasiirka caafimaadka Dr.Xuseen Muxumed Maxamuud (Xusen Xoog ) ayaa isaguna sheegay in madaxweyne Siilaanyo uu wadada ugu deeqay deeq tusaale mudan  “ Madaxweynaha waxaynu waydisanay 20Km inuu inoo dhiso, waanu inoo qariyay oo waxa uu yidhi waxaan kaga qayb qaadan-doonaa wadadaas wax cidii idinka danbaysa ee doonta inay wax qabsata diiri galin fiican u noqda, markaas wabuu inooga badiyay oo maanta waxaynu haysnaa ilaa maalinta wadadaas aynu gaadhsiinayno Ina-Guuxa marka aynu  5Km dhisnaba in dawladuna ay intaas intaada dhisayso markaas inta dawlada ku soo hagaagaysa waynu garan karnaa inay intaynu codsanay ay ka badantahay.”

Ugu danbayntii waxa xafldan kooban ee dhagax dhigista ah soo gunaanaday wasiirka madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Xasan oo isagu dhagax dhigay wadadan waxaana hadalkiisa ka mid ahaa “ Runtii farxad ayay iitahay inaan maanta dhagax dhigno 5Km ee ugu horeeyay intii ka danbaysay intii ay qabteen deegaanku, madaxweynaha  Somaliland balanqaadkii uu halkan ka sameeyay waa uu ka dhabeeyay oo waa uu nagu soo diray anaga oo fulinayna intii ugu horaysay waanagaas dhagax dhignay, kana hadhi mayno intay wadadu dhamaanayso insha allaahu, waxaan leeyahay deegaanka iyo dadka kaleba halaga  qaybqaato gacmaheena ayaynu wax ku qabsan karnaa oo qof waliba gacantiisa ayuu biyo kaga dhargaa.”