Xildhibaanada Awdal Iyo Selel Oo Beeniyay Inay Madaxweyne Siilaanyo Xaal Ka Ka Siiyeen Baaqoodi Hore

0
493

reerBorama(Geeska)-Xildhibaanada labada gole Baarlamaan kaga jira gobalada Awdal iyo Selel ayaa beeniyay inay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo xaal ka siiyeen baaqoodii tabashada ahaa ee ay hore ugu soo bandhigeen saluug ay ka qabaan dhinaca saamiga qaybsiga ee xukuumadiisa.

Madaxweynaha iyo xildhibaanada ayaa khamiistii magaalada Borama ku yeeshay kulan daba socday baaqoodaas. Wasiir xigeenka waxbarashada Cali Xaamud Jibriil, ayaa kulankaas ka dib warbaahinta ka sheegay inay xildhibaanadu xaal siiyeen Madaxweyne Axmed Maxamed. Hase yeeshe xildhibaanada oo shalay shirjaraa’id ku qabay maaalada Borama, waxa ay beeniyeen warkaas, iyagoo sheegay in Xildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo la sheegay inuu Madaxweynuhu hadaladiisaas hore dhibsaday uu si shakhsi ah xaal uga siiyay Madaxweynaha weedhahaas uu dhibsaday balse aanay jirin xildhibaano xaal ka bixiyay tabashadoodaas hore.

Xildhibaan Axmed-yaasiin oo ugu horayn shirkaas jaraa’id ka hadlay ayaa yidhi “Madaxweynuhu wuxuu noogu yimid gogoshayadii marti ayuu noo ahaa oo maamuus iyo karaamo ayuu nagu leeyahay, anigaa Axmed-yaasiin ahaan idhi haddii aad Madaxweyne hadaladayda qaarkood dhibsatay maanta marti ayaad tahay oo gogoshayadii ayaad fadhiyaadye xala ayaan ku siiyay, waana shakhsiyan. Markaas intaas ayaa la bedelay oo la leeyahay xildhibaanadu xaal ayay ka bixiyeen wixii ay tabanayeen. Taasi ma jirto ayaan leeyahay.”

Xildhibaan Cali Sheekh Maxamed Aareeye, ayaa isna yidhi  “Madaxweynaha waanu soo dhawaynay, xaal iyo tanaasulaad qaddiyadii aanu lahayn iyo saami qaybsagayagii marnaba kamaanu tanaasul, labadayada gobal mataanaanu nahay, lamana kala furfuri karo. Madaxweynaha si fiican ayaanu isu aragnay, waxa laga cabaadayay ee kelmado badan yidhi Axmed-yaasiin ayuu ahaa, waxaanan ku qasabnay in maadaama ay kelmadihiisu adkaayeen uu odayga raaligelin siiyo shakhsiyan, waxaanu yidhi haddii aad madaxweyne kelmadahayga ka xumaatay xaal ayaan ku siiyay. Laakiin xaal kale oo aanu ka bixinay tabashadayadii ma jirto, waana halkeedii taasi.”