UCID Oo Cambaaraysay Weftiga Somaliland Ee La Kulmay Golaha Ammaanka

0
834

ucid

Hargaysa (Geeska) Xisbiga UCID ayaa shalay shir jaraa’id oo uu ku qabtay xaruntiisa ku canbaareeyey shirka uu ka qayb galay wasiirka arimaha dibada ee Somaliland, waxaanu ku timaamay xukumaada Axmed Silaanyo mid aanay siyaasadeeda arimaha dibadu fadhiyin, isla markaana hadalo is burinaaya ay ka soo baxayaan.

Afhayeenka xisbiga UCID Xasan Xuseen Codyare oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa ku nuux nuxsaday in wasiirka arimaha dibadu uu dhawr jeer ka qayb galay shirarka maamul gobaleedyada soomaaliya taasina ay tahay mid wax yeelaysa qaranimada Somaliland, hadaladiisiina waxa ka mid ahaa “waxanu shirkan jaraa’id kaga hadlaynaa siyaasada arimaha dibada ee dawladan imika jirta oo aad muudo inay laba aflaynayso oo ay wararkeedu maalinba nooc u dhacayaan, waxaad ogaydeen barigii dhaweyd inuu wasiirka arimaha dibadu kaga qayb galay Landan shir loo qabtay maamul gobaleedyada soomaaliya imaaradkana uu shir kale kaga qayb galay. Waxa arintaasi qeexay madaxwaynaha oo sheegay in Somaliland aan laga noqonayan hadii ay 100 sano jirto, afar maalmood kadib hadalka madaxwaynaha wasiirku waraysi uu siiyay Gulfnews waxa uu ku sheegay inay soomaaliya fadaraal kula midoobi karaan hadii nabdi ka dhalato”

 

Afhayeenka xisbiga Ucid ayaa ka dhawaajiyey in aaay waxba ka qaban shirka neyroobi ka dhacaya ee Somaliland lagu casuumay hadii sida uu sheegay ay gogol xaadh u tahay aqoonsiga qaranka Somaliland, waxaanu yidhi mar kale “shirkaasi laba sifo uu yeelan karaa, hadii Somaliland gaar loogu yeedhay oo uu gogal xaadh u yahay aqoonsiga waxba kama qabno, lakiin hadii ay qaladkeedii hore ku socoto beesha caalamku Somalilandna ay ku dhereriso maamul gobaleedyada ka jira soomaaliya ka yeelimayno, waxanu leenahay xukumada Somaliland umada shakiga halaga saaro oo labada af halaga daayo, xukumaduna hala timaado af cad iyo siyaasad cad”

Sido kale Codyare wuxuu caalamka ku eedeeyay inay soomaaliya ka wadaan riwaayad madhamaato ah oo loo soo wada shaqo tagay, wuxuuna u soo jeediyay caalmka hadii uu doonayo xalka soomaaliya inay marka hore aqoonsadaan Somaliland si ay Somaliland gacan uga gaysato xalinta mushkilada ka taagan soomaaliya.

Xasan Xuseen oo wax laga waydiiyay halka uu saldhigtay khilaafkii baryahan hadheeyay xisbiga UCID ayaa sheegay in haatan xisbigu ka heshiiyay hadaladii taagtaag-naa ee ay warbaahinta isu mariyeen iskuna colaadinaayeen. Sido kale waxa uu xusay inay haatan diyaar garaw ugu jiraan shirwaynihii xisbiga oo qabsoomi doona 25/7/2011.