Beelaha Habaryoonis Oo Shir Ay Burco Ku Yeesheen Ka Soo Saaray Qodobo Ku Waajahan Xukuumadda

0
791

 

burcoBurco(Geeska)–Shir balaadhan oo ay iskugu yimaadeen Sulaadiinta ,Cuqaasha ,Waxgaradka ,Aqoonyahanada ,iyo Culimo-awdiinta Beesha Galbeedka Burco oo shalay, lagu qabtay Guriga suldaanka guud ee Beesha Galbeedka Burco ayaa Dood iyo falanqayn dheer ka dib waxa lagaga soo saaray Go’aamo ka kooban dhawr Qodob.

Qodobadaas  oo lagaga hadlaayay arimo kala duwan oo ay ka mid yihiin xaalada dalku maraayo , Qodobo dastuuriya oo ay jabisay Xukuumadda talada haysaa  iyo hadalkii ka soo yeedhay Gudigii talobixinta furista Ururadda ,kaasi oo sheegaay  ka la dirida golayaasha deegaanka dalka ,waxa kale oo shirkan lagu soo qaaday xeeraka isgaadhsiinta ,Biyaha kuwaasi oo wax ka bedelkooda lagu tilmaamay in loogu danaynaayo dad gaar ah .

Hadaba  Go’aamada  ka soo baxay shirkaasi oo uu warbaahinta u Akhriyay Rashiid Axmed Nadiif , oo ah afhayeenka shirkaasi ayaa waxay u dhignaayeen sidan .

1-Shirkii ay  yeelatay Beesha HYoonis ,14-Juun 2011,ayaa  si weyn loogaga hadlay arimo  kala duwan  oo ay ugu horeyso  Jabinta Dastuurka, iyadoo qodobada la jabiyay  ay ka mid yihiin,Qodobada dastuuriga ah ee  Xukuumadani jabisay waxa ka mid ah Qodobka 110 ,111 ,112 iyo Qodobka 71-aad ee xeer No .23 ee ismaamulka gobolada iyo degmooyinka dalka  farqadiisa 3-aad xarafka (A) dhamaan waxay cadaynayaan in adeegyadda  bulshadu si toos ah u hoos imanayaan golayaasha deegaanka sida Biyaha ,Laydhka ,Caafimaadka  iyo Waxbarashada .

Waxa lagu jabiyay Wareegto ka soo baxday Madaxtooyada oo lagu wareejinaayo Wakaaladada Biyaha ,Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha .

2- Qodobka 11-aad ee Dastuuriga ah faraqiisa 1,2,3 ,waxay dhamaan cadaynayaan in ay u simanyihiin  mawaadiniinta reer Somaliland Khayraadka ,Dhaqaalaha dalka iyo Ganacasiga xorta ah,  Waxa lagu jabiyay bixinta cid gaar ah oo gacanta loogu galiyay ,Haamihii Shidaalka ,(Somcable) iyo warshadii Sibidhka .

 

3-Qodobka 8aad ee dastuuriga ah faraqiisa 1,2, waxay dhamaan cadaynayaan in ay u simanyihiin mawaadiniinta reer Somaliland shaqada iyo shaqaalaha ,taas oo ay  Xukuumadda Siilaanyo  cadaysatay in ay si toos ah usoo magacaabaan madax beelaysan oo ka soo jeeda beesha madaxweynaha , sida  Guddoomiyaha baanka gobolada Bari ,Kormeeraha waxbarashada gobolada Bari ,Guddoomiyaha W.F.B ee gobolada Bari Agaasimaha dakhli kordhinta ee gobolada bari. Iyo Commisonka HIV gobolka Togdheer.

 

4-Waxa kale oo wax lala yaabo ah hadalkii ka soo yeedhay gudigii talobixinta furista ururada ee ay ku sheegeen in la kala diro golayaasha deegaanka ,taas oo aanu u aragno in aaney ku jirin hawshii gudiga loo diray balse aanu u malaynayno in ay tahay fariin cidi usoo dhiibatay ,waxaaney golaha deegaanku la mid yihiin golayaasha kale ee la soo doortay sida Baarlamaanka ,iyo madaxweynaha waxaana bedeli kara gole la soo doortay .

 

5- Waxa ayaan daro ah in badhasaabka gobolka Togdheer Yaasiin Muxumed Cabdi, uu bilaabay falal  lid ku ah degenaanshaha iyo nabada  gobolka Togdheer ,taas oo uu haayadihii Caalamiga ahaa ku amray in aaney degi Karin Guryana ka kiraysan karin galbeedka magaalada Burco ,hadii ay degaana aanu amaankooda masuul ka ahayn.

 

Waxa kale oo uu badhasaabku dacwado ka dhan ah ka gudbiyay masuuliyiinta hay’addaha dawlada ee ka soo jeeda galbeedka Burco .waxaaney talaabooyinkan badhasaabku qaaday horseedayaan xasilooni daro gobolka ka abuuranta hadaan wax laga qaban. .

 

Sidaa  darteed, waxay  beeshu  go’aan satay in aaney qaadan doonin waxkata oo  Dastuurka qaranku  ogolayn oo  baalmarsan shuruucda dalka u taala isla markaana  aaney aqoonsan doonin wareegta kastoo sharci daro ah oo lagu kala diraayo golayaasha deegaanka.