Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Tunisia oo sawir laga qaaday Isaga oo dhulka ku gam’ay iyo dareenka dadkiisu ka bixiyeen: Diyaare Kamaal Ahmed Ali

0
4031

Picture9Tunisia- Sawirro laga qaaday xarun uu ka socday shirweynihii sagaalaad ee xisbiga A-Nahda ee talada dalka Tunisia haya ayaa lagu dhex arkay wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaas Rafiiq Cabdisalaam oo dhulka hurda barkimana ka dhigtay kursi uu u jiifiyey dhinacii dhabarka la saari lahaa.

Shirkan oo la sheegay in uu muddo shan maalmood oo isku xigta ah ku gudo jiray doodo iyo falanqayn aad u adag oo aan loo kala nasan ayaa sida muuqata daalka ka soo gaadhay wasiir Rafiiq uu u saamixi waayey in uu daneeyo mansabka sare ee uu ka hayo dawladda, xilli nasasho oo shirku galay ayaanu uga faa’idaystay in uu indhaha yara casaysto isaga oo labbiskiisa iyo muraayadda indhahaba sita. Sawirka waxaa ka muuqda wasiirka uu soddoga u yahay guddoomiyaha xisbiga ee Rashiid Al-Qannuushi oo hurdo dheer ku jir, taas oo qof aan la shaacin ka uu yahay u saamaxday in uu la dul istaago kamarad oo uu ka soo qaado sawirkan sheekadiisu xiisaha badan yeelatay.

Dadka reer Tunisia ayaa sawirkan isku dhaafsanayey bar-kulannada bulshada ee internet ka, waxa aanay ka bixinayaan aragtiyo kala geidsan oo qaarkood muujinayaan in wasiirku uu hurdadan ku mutaystay shacbiyad badan maadaama oo dadka reer Tunisia oo muddo dheer ku soo hoos jiray xukun keli talis ah oo madaxdiisu ay kibir badan yihiin ay arkeen wasiirkii ugu mudnaa golaha wasiirrada oo dhulka jiifa, waxa ay u arkaan in wasiirkani aanu ku kibrin mansabka uu helay.

Wasiir Rafiiq waa 43 jir rukhsad u haysta falsafadda shahaadada jaamacadeed ee u sarraysana ku qaatay cilmiga siyaasadda iyo xidhiidhada caalamiga ah oo uu ka bartay jaamacadda Westminster ee dalka Ingiriiska ayaa ka mid ahaa ardaydii xilligiisii ugu firfircoonayd dalka Tunisia, waxaanu dalkiisa uga cararay hay’adaha amniga oo dabagal badan ku sameeyey.