Maayar xigeenka Lascanod Ee Xidhan Oo Sheegay In Lagu Xidhay Amarka Wasaaradda Daakhiliga

0
599

maayarkHargeysa, (Geeska)- Qoraal ka soo baxay wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa la sheegay in xabsiga loogu taxaabay Maayarkii magaalada Laascaanood, Mr. Keyse  Maxamed Xuseen iyo ku-xigeenkiisa, Mr, Axmed Adan Cilmi. Sidaas waxa Wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyay maayar xigeenka Lascanod Axmed Aadan Cilmi oo isagoo xabsiga ku jira xalay la soo xidhiidhay Wargeyska Geeska Afrika.

Ciidamada ammaanka ee magaalada Lascanod ayaa shalay si kedis ah xabsiga ugu taxaabay labadii masuul ee isaga hooseeyay maamulka dawladeed ee magaalada Lascanod, waxaanay bulshada magaaladu mar keliya ku war heshay maayarkii iyo ku xigeenkii oo xabsiga loot axaabay.

Maayar xigeenka Axmed Adan Cilmi, oo aanu weydiinay sifaha lagu xidhay ayaa sheegay, In isaga iyo Maayarka magaalada saaka looga yeedhay xafiiska Badhasaabka Laascaanood, ka dibna loogu sheegay qoraal ka soo baxay wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland oo amraya xadhigooda, “Saaka (Shalay) subax ayaa aniga iyo Maayarka looga yeedhay xafiiska badhasaabka gobolka Sool, ka dibna lanoogu sheegay qoraalka wasaarada Arrimaha Gudaha ee xadhigayaga amraya.” Ayuu yidhi maayar xigeenku.

Mar aanu weydiinay, cida qoraalka xadhigooda soo saartay iyo nuxurka qoraalka warqadaa inay akhriyeen, ayaa ku jawaabay, “Warqadaa waxa soo saxeexay Agaasimaha guud ee wasaarada Arrimaha Gudaha, waxaana ku qornaa inaan tagno saldhiga booliiska Laascaanood.”

Xadhiga masuuliyiintan, oo wararku sheegayeen in khasab xafiisyadooda ciidamada Booliisku uga kaxeeyeen, ayuu Maayar-xigeenka Laascaanood beeniyey, isla markaana sheegay inay cagahooda ku tageen saldhiga Booliska “Ciidan khasab nagu kaxeeyey ma jiraan, laakiin, annagoo amarka raacayna ayaan cagahayaga ku tagnay saldhiga dhexe ee Laascaanood,”

Maayarka iyo ku-xigeenkiisa ayey shuruucda iyo qawaaniinta dalku dhigayaan xadhigoodu inuu mamnuuc yahay haddii aanay markaa fal denbi ah gacmaha kula jirin, isla markaana waxii eedo loo haysto tahay in marka hore xeer-ilaaliye soo cadeeyo, ka dibna laga qaado xasaanadii xilka ay hayeen.

Warar xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay inay badhasaabka iyo maayar xigeenku isku af dhaafeen shir lagaga hadlayay arrimaha amniga oo ka dhacay magaalada Lascanod, waxaana la sheegay in isfaham la’aanta dhex martay ay sabab u noqotay xadhiga masuuliyiintan.