Wasiir; Rayaale Ma Gayo Hab Dhaqankaas !!

0
719

wasiirMadaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa shalay dib ugu soo laabtay magaalada Hargeysa, isagoo ka soo guryo noqday safar uu muddo toban bilood ku dhow ugu maqnaa dalka dibadiisa. Daahir Rayaale Kaahin, wuxuu noqday hoggaamiye sumcad iyo magac ku helay Hirgelinta nidaamka dimuqradiga ah iyo weliba jawigii nabadeed ee uu ku wareejiyay xilka madaxtinimada Somaliland, markii laga helay doorashadii madaxtooyo taas oo qaaradda Afrika ku noqotay dhif. Soo guryo noqoshadiisii waxa si weyn ugu diyaar garoobay inay soo dhaweeyeen bulshada Hargeysa oo aan u kala hadhin, laakiin waxa ceeb ku soo dhawaysay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo xataa kala masuugtay inay ku maamuusto roogga cas ee dadka mudan loo dhigo, maadaama oo uu yahay Madaxweyne hore oo dalkiisii ku soo guryo noqonaya. Roog cas oo loo dhigo iska daayee, xataa waxa lagala bakhaylay in la fadhiisiyo qolka martida mudan lagu soo dhaweeyo, waxaana la soo dhex mariyay qolka labaad ee martida oo hore looga guuray,  waxaanu diyaaradda hoosteeda si bilaa nidaam iyo ixtiraam darro ah u soo dhex qaaday rakaabkii ay diyaaradda soo wada raaceen. Wasiirka duulista iyo hawadu wuxuu isku dayay inuu umadda indhaheeda iska jeediyo oo uu isagoo maqiiqan iska difaaco dheg xumada uu shalay u soo jiiday xukuumadda uu ka tirsanyahay. Wuxuu ku dooday in isbedelka xukuumadda cusub ay ka mid tahay inaan raxan dad ahi diyaaradda hoosteeda tagin oo aanay qofna ku soo dhawayn. Qofka uu go’aankan ku salaynayaa waa Madaxweynihii hore, lana soco saddex toddobaad ka hor ayuun bay ahayd markii sidii oo uu Madaxweyne yahay ay wasiir Maxamuud Xaashi madaarka Berbera ku soo dhaweeyeen dad tiro badan oo diyaaradda hoosteeda ubaxyo qoorta ugu geliyay.

 

Afrika waa Afrika, Somaliland-na waxay ka mid tahay Afrika, hab dhaqankeeduna wuxuu isugu biyo shubanayaa dabci Afrikaan, waxase ay masuuliyadi saarantahay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo isaga uu madaxweyne Rayaale xilka ugu dhiibay si ka duwan hab-dhaanka Afrikaanka, waxaanay umaddu uga fadhidaa inuu falkaas ka bixiyo raali gelin maadaama oo uu ku kacay mid ka mid ah wasiirada ugu dhow dhow oo talaabo aan niyaddaba lagu hayn kula kacay Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin.

Waa hubaal in hab dhaqanka, xubnaha madaxda hore ahaa ee soo dhoweynayey Md. Rayaale qudhooda aanu qurux badnayn hab macaamilkoodu, balse masuuliyiinta dawladda waxaa saaran culays dawladnimo, waxaana si gaar ah u tilmaaman wasiirka duulista oo ay ahayd in uu si ka qurux badan hannaanka uu wax u maamulay u maareeyo soo dhoweynta masuulkan hore isaga oo aan xasuusanayn qaladaadkii hore u dhacay iyo haddiiba ay soo mareen waqti aan si qurux badan loola dhaqmin, waayo madaxweyne Rayaale maanta waa nin qaran (Statesman)