“Aniga Madaxweynahaa Xilka Ii Magacaabay Oo Iga Qaadi Kara”

0
3943

 

Picture4Hargeysa ( Geeska )-Maareeyaha hay’ada Korantada ee Hargeysa Wali Axmed Xaawa, ayaa sheegay in baahinta xilkiisu  tahay arin sharci daro ah, waxaanu sheegay inuu wali isagu yahay maareeyahii warshadaas oo madaxweynuu uu xilkaas u magacaabay. Wasaaradda hawlaha guud ayaa naadisay shaqada maareeyaha wakaalada korontada Hargeysa.

Waxa uu sidan ku sheegay Wali Axmed Xaawa mar uu warbaahinta kula hadlaayay gudaha magaalada Hargeysa, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan“ Waxa la yidhi warshadu waa ay is bixinaysaa, aniguna odhan maayo isma bixinayso ee yaan laga waayin, waxaanan leeyahay haddii ay is baxinayso waad haysaaye xejiya, warshadu in la dacaayadeeyo iyo in dadka meesha jooga la xumeeyo midna maaha, haddii boos la naadinayna meeshaas uun lama naadiyee boosas badan ayaa la naadiyaa haddii aniga lay badalana dawladu qaybsibay  ahayd waana in la kala xishoodo oo wasiirku xishoodo, waxaanan u arkaa dawladnimadii oo la caayayo, musuq maasuqa uu sheegayo iyo bilyanada uu leeyahay waa la lunsaday beri ayaa isaga laga rabaa, waxaana la leeyahay way is baxinaysaa meeshu maalin walbana bangigu waa casaan, Soomali baana hore ugu maah maahday ( Nina dhuunibuu kuu dhax jooga nina dhaqashuu kuugu dhabar jabay ).”

Maareeyahu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “ Madaxweynaana waxaan fariin ugu dirayaa  labadii nin ee Siyaad Bare dadka ka xidhi jiray ee waxa aan jirin sheegi jiray ee beenta dadka kula dhex wereegi jiray ha ku soo dayn, meeshan la baadhayaa haay’adii Cajab ee dhulka oo dhan ku taalay maaha ee waa labadan Ijiin markaas xaalad cid loo abuurayo iyo danbi  cidina aqbali mayso, runtiina meeshaas aan ka shaqaynaayay maalin kaliyaata su’aal laygama waydiin,waxaana jira arimo badan oo aan halkan ku haboonayan oo aan maamulka la sugaayo. Xilkan madaxweynaha ayaa ii magacaabay goor sidan loo badalayna garan maayo.”

Wuxuu weli Axmed Xaawa, ku eedeeyay wasiirka  hawlaha guud Axmed Cabdi Xaabsade, inuu si shakhsiyan ah u daba socdo.