Faysal Cali Waraabe Oo Madaxweynaha Ugu Baaqay Inuu Umadda U Soo Bandhigo Natiijada Kulamada Uu Dunida La Yeesho

0
546

 

Picture5Finland( Geeska )-Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng.Faysal Cali Waraabe, ayaa soo dhaweeyay go’aanka madaxweyne Siilaanyo ku qaadacay shirka London, waxaanu sheegay in baahi weyn loo qabo in siyaasad cad dalka lagu hago, isla markaasna waxa uu ku baaqay in la qabto shir boodhka lagaga tumaayo Somaliland laguna midaynaayo.

Waxa uu sidan ku sheegay gudoomiye Faysal waraysi gaar ah oo uu siiyay wargayska Geeska Afrika, isaga oo ku sugan dalka Finland, ugu danbayntiina waxa uu gudoommiye Faysal madaxweynaha ugu baaqay inuu runta ka sheego kulanada uu la soo qaato dunida, waxaanu kulan macno leh ku tilaamay ugu danbayntii safarkii madaxweyne Siilaanyo ee dalka Turkiga. Waxaanu waraysigaasu u dhacay sidan

Gudoomiye Faysal Sideed u aragtaa inuu madaxweye Siilaanyo ku dhawaaqay in Shirkaas London aanay xukuumada  Somaliland ka qaybgalayn?

Shirkaasi taloba uma uu baahnayn oo mid inaga ina quseeya muu ahayn inagana Somaliland ayaa layna yidhaadaaye Somaliya laynama yidhaado, Somaliya ayaa shirkaas loo qabanayaa iyaga ayaanu khuseeyaa in laga tashado iyo in laga wad hadlana may ahayn, madaxweynaana waanu ku hanbalyaynaynaa arintaas halka uu ka istaagay. Inaga waxa inoo furan oo kaliyaata haddii la yidhaahdo Somaliya iyo Somaliland ayaa shir gaar ah wada galaysa oo wada hadaladii ayaa la sii wadayaa in aynu taas ka tashano ayaa inoo taala, laakiin shir gaar u ah oo Somaliya loo qabanaayo kuwii hore ee ay ka qayb gali jireena xaqdaro ayay ahaayeen oo waxay ahaayeen kuwo wadanka iyo umaddu toona aanay raali ka ahayn kana inoomuu oolin, mawqifka uu istaagayna waanu ku taageeraynaa, shir danbe oo Somaliya leedahay oo aynu ka qabgalaynaana ma jirto waxaanan doonaynaa in go’aamo laga gaadho.

Arimo badan ayaa ina horyaala oo u baahan wada tashi qaran oo in shirkii wada tashi qaran la sii wado ayaa loo baahan yahay oo dadka la mideeyo, oo arimaha ina hortaagan aynu ka lahaano aragti midaysan oo siyaasadeed iyo qorshe cad oo dalkan lagu hago.

Ka mucaarad ahaan siday idiinla muuqdaan safarada dibada ee madaxweynuu uu baxo faahfaahin badan aan laga hayn marka laga reebo  hadalkooban oo guul tilmaamaya ?

Waxa loo baahan yahay in uu madaxweynahu warka runta ka sheego oo waxii uu kula soo hadlay iyo waxay yidhaadeen  dadka uu la kulmayaa inuu umadda u sheego oo uu anaga noo sheego mucaarad ahaan iyo haddii loo baahdo in uu golayaasha u sheego. Runtiina waa loo baahnaa in Turkiga la tago waayo Turkigu mucaawino ayuu bixinayaa inaan qaybteena qaadano oo si toos ah laynoo siiyo oo wafti gaar ah uu u tago aad iyo aad ayaan u soo dhawaynaynaa, waxaanan u arkaa saddex sano ku dhawaadkii uu madaxweyne Siilaanyo dalka hayay inuu ahaa safarkii ugu macnaha weynaa, kaas ayaana u koow ah safar macno leh oo arimaha dibada ku saabsan.

Guddoomiye Faysal adiga iyo Jamaal oo ah labadii masuul ee xisbiga mucaaradka ah ee UCID u sareeyay dibada ayaad dalka ka jirtaan, miyaydaan kaalintii mucaaradka dalka ku banayn?

Dibadaanu ka soo shaqaynaynay, waanad ogtahiin in siyaasada arimaha dibada laynagu baabiiyay waan ka baxnay fagaarayaashii aduunka, waxaana la hadal hayaa Somaliya oo wax kasta laga sheegayaa markaas arimhaas baylahda ah ayaanu ka soo shaqaynaynay, Jamaal Maraykanka ayuu tagay aniguna Yurub warar badana waan soo helay, hadana waanu soo soconaa, waxaanan dadka leenahay nagala shaqeeya arimaha tanta qaranku ku jiro, oo waanu u warami doonaa dadka reer Somaliland qaybahooda kala duwan iyaga oo aan sidan sumad xisbi. Waxaana loo baahan yahay in Somaliland boodhka laga tumo oo dadka la mideeyo siyaasad cadna lala yimaado.