Xogaha Khuraafaadka Ah Ee Laga Sheego Caafimaadka Jidhka Aadamaha, Xaqiiqada Cilmiga Ah (Q.1aad)

0
42

Hargeysa (Geeska)- In badan ayaa ay dhacdaa in aadamuhu uu ka waramo xogo la xidhiidha caafimaadka jidhkeenna oo aynu ka soo gaadhnay awoowyadeen ama innaga dhaqan iyo caado inoo noqotay oo aynu rumaysannay iyada oo aynaan u haynin caddayn cilmiya. Qormadan oo uu Geeska Afrika Afsoomaali u rogay ayaa ay shabakadda Al-Carabiya ku eegaysaa qaar ka mid ah xogo ay dad badani caafimaadka ka aaminsan yihiin oo aan cilmi ahaan run ahayn.

1. Timaha jidhku xiirista waa ay ku bataan: Dad badan ayaa aaminsan in xaadda gacmaha, ama timaha gadhku ay aad u baxaan, bataanna marka aad loo xiiro. Xitaa dadka qaar ayaa aamina in xiirista timaha madaxu ay badiso timaha. Laakiin Rachel Freeman oo ah dhakhtarad ku xeeldheer caafimaad carruurta iyo cilmibaadho caan ah iyo Haaruun Karoo loo isna ah cilmibaadhe iyo kaaliye bare-sare oo dhiga caafimaadka carruurta ayaa daraasad ay sameeyeen ku caddeeyey in aaminsanaantaasi ay tahay uun warar khuraafaad ah oo faafay. Cilmibaadhiso cusub ayaa caddeeyey in xiiristu aanay wax saamayn ah ku lahayn cufnaanta ama heerka dheeraanta / koritaanka timaha. Daraasaddu waxa ay sheegtay in xiiristu ay jarto timaha qaybtooda sare oo inta badan ah kuwo dhintay ama dhiman doona, balse aanay gaadhi qaybtooda hoose oo jidhka hoostiisa ku jirta, ahna qaybta koritaanka ama dheeraanta timaha keenta, sidaa awgeed xiirista badani waxba uma dhinto timaha.

2.  Habeen kasta hurdo 8 saac ah ayaa aynu u baahannay: Waxa ay khubarada caafimaadku caddaynayaan in baahida hurdo ee dadku ay ku kala duwan tahay sababo la xidhiidha dhinaca jidhka iyo abuurka qofka, sidaa awgeed hurdada qof u baahan yahay aanay qasab ahayn in qofka kalena u baahdo saacado la mid ah. In kasta oo ay khubarada caafimaadku isku raacsan yihiin in 8 saac oo la seexdaa ay fiican tahay, laakiin macnaheedu ma’aha in ay tahay saacado go’an oo dadka oo dhami u baahan yihiin la’aantoodna caafimaadkooda su’aali gelayso.

Cilmibaadhis ay dhowaan sameeyeen xeeldheerayaal reer Yurub ah ayaa lagu ogaaday in dadka leh hidde-sidaha lagu magacaabo ABCC9 ay seexan karaan saacado aad uga yar inta caadiga ah, iyada oo aanay wax dhibaato ahi ku iman caafimaadkooda.

3. Iftiinka daciifka ah oo wax lagu akhriyaa waxa ay dishaa aragga: Richel Freeman iyo Haaruun Karol oo ah labada cilmibaadhe ee aynu hore u soo aragnay, waxa kale oo ay sheegeen in ilays daciif ah oo wax lagu akhriyaa aanay wax dhibaato ah oo weyn ama sii jirita ku keenin caafimaadka indhaha. Waxa ay labadan khabiir sheegeen in dhibaato muddo gaaban ah ay keeni karto iyo in dhibaatooyin kale oo taban ay keeni karto laakiin aanay suurtogal ahayn in ay noqdaan kuwo waara oo waxyeello u geysta shaqada iyo dhismaah ama aragga indhaha.

4. Dheefshiidka oo yaraadaa waxa uu sababaa buurni: Dr. Jim Levine oo shahaadada PhD ku haysta caafimaadka guud isla markaana ah cilmibaadhe daraaseeya sababaha keena korodhka miisaanka, ayaa daraasad uu ku sameeyey habka uu jidhku uga faa’idaysto cuntada oo ah shaqada afka sayniska lagu magacaabo ‘Dheefsiga’ iyo saamaynta ay ku leedahay buurnimada, waxa uu ku ogaaday natiijo ka duwan aaminsanaantii hore ee sheegaysay in dheefshiidka oo adkaada ama ‘Dheefsiga’ oo aan si sax ah u dhicin in ay buurni keento. La soco…