Xisbiga Waddani Oo Far Ku Goday Heshiiska Xukuumadda Iyo UAE

0
797

HargeysaGeeska)-Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa si adag uga hadlay heshiis ay Xukuumaddu sheegtay in la soo gashay dawladda Imaaraadka, waxaana uu tilmamaay in heshiiskaasi aanu sax ahayn isla mar ahaantaana aan la garaneyn cidda la la soo galay iyaga oo sida oo kalena farta ku goday mashruuca dhismaha wadada Berbera illaa Itoobiya oo ay sheegeen in ay ku jirto heshiis kasta oo ay Xukuumaddu la gasho dawladda Imaaraadka iyo dalalka kale ba.

Kaaliyaha arrimaha Warbaahinta murashaxa xisbiga Waddani  Siyaasi Muniir Axmed Cigaal oo bartiisa Internetka ee Facebook ku soo baahiyey qoraal kooban, ayaa si aada u naqdiyey jiritaanka heshiiskaasi isaga oo si aada farta ugu fiiqey in aan la garaneyn cidda ay yihiin ragga ay Xukuumadda Somaliland heshiiska la saxeexaneyso ee ay sheegtay in ay ka socdaan dawladda Imaaraadka. Waxaana uu qoraalkaasi u dhignaa sidan:-

Ummadda waxba lagala xishoon maayo, Sawirkan lagu galay InterContinental Hotel, dadka wax saxeexaya ee cigaalka sita magac maleh oo xilal ay hayaan iyo hay'adda ay ka socdaan Dawladda Imaraadka midna lama sheegin, waxa ka sii yaab badan walaalow horta imasa Berbera Corridor ayaa jira? waddadan Wajaale iyo Berbera isku xidha imisa jeer ayay Dawladda Somaliland Iyo UAE kala saxeexdaan horta?..

Ma heshiiskii DP World ayaan ogaa oo lagu xardhay inay ku jirto, ma Saldhiga Millatari ee Berbera ayaan ogaa oo waraaqihii Af-Somaliga aha ee Golayaasha Sharci dajinta la keenay lagu sheegay in Dhismaha wadadaasi ku jiro.. Hadana maxa sababay in la yidhaahdo iminka ayaa la saxeexay?…. Anigu hadalkii Madaxweynaha Jabuuti Isamciil Cumar Geele ku sheegay in ay beentahay oo aanu Imaaraadku dhisayn waddada 500 ee Milyan ee Dollar ah ayaan rumaysanayaa .. Dameero u sheega kii rumaysanaaya saxeexa labada Nin ee Carbeed ee loogu yeedhay InterContinental Hotel, Iyo beentii ka horeysay ee ilaa hadda oo Xukuumadda ay u hadhay 4-bilood aan wax aan ahayn la wareegista Dekeda Berbera ka fulin.”