Madaxweyne; Wasiir Cali Mareexaan, Yaa Looga Dacwoodaa Rashiid Cawil Guuleed

0
1084

Waxaan Wargeyska Foore ka akhriyay Shalay Caddadkiisii 1137, in Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Wasiir Cali Mareexaan uu doonayo inuu dhul ku yaal Magaalada Berbera oo  ah meel muhuuma isla markaana lagu magacaabo Net-Fish, uu doonayo inuu ku wareejiyo laba Nin oo ay Ilmaadeer yihiin. Dhulkaas oo u dhexeeya Hotelka Xeebsoor Iyo Dawladda Hoose, waa dhul muhiima oo ay wadaagaan Shirkadaha Kalluumaysatadu isla markaana kalluunku ku soo dego.

Dhulkan oo lagu magacaabo dekedda yar, waa meel dekedda berberi ka faa’iidaysan doonto  Mustaqbalka. Waa meel dan guud ah oo la wada leeyahay cid gaar ahna lagu wareejin Karin.

Wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexaan isaga oo ka faa’iidaysanaya awoodda uu qaranku siiyay ayuu doonayaa inuu Niman  ay Ilmaadeer dhaw yihiin  inuu ku wareejiyo dhulkaa umadda iyo Dekedda Berbera muhiim ka u ah.

Waa wax laga xumaado isla markaana lala yaabo in Wasiir Xukuumadda ka tirsani boobayo hantidii umadda isaga oo cid gaar ahna la doonaya hantidaa umadda ee la wada leeyahay.

Cali Mareexaan ma ah’an markii u horeysay ee uu dhul sidan oo kale ah ku wareejiyo dad ay ehelo dhaw yihiin. Haddaba Mudane Madaxweyne, adiga ayaa ah hoggaankii dalka, kana masuula hanitda umadda mid la wada leeyahay iyo mid kaleba. Waxaana muuqata in Wasiir Cali Mareexaan oo ka mid ah Wasiiradaadu uu maalin walba hantidii umadda boob ku hayo, isaga oo welibana hantidaa umadda la doonaya dad ay qaraabo dhaw yihiin, waxaanu isku halaynayaa waa adiga madaxweyne, waayo wasiirada kale ama wasiiradii so maray wasaaradan hawlaha guud noocan umay macaamili jirin.

Haddaba, mudane Madaxweyne, facaa’iilkani waxay sumcad dhac ku tahay Xukuumadda aad adigu hogaamiso, ee hadaba Md. Madaxweyne yaa looga dacwoodaa Wasiir Cali Mareexaan, mar haddii adigiina aanad waxba ka qabanayn.

Rashiid Cawil Guuleed, Hargeysa