Nolosha Yaabka Badan Ee Maroodiga Iyo Aqoonta Ku Maqan Ee Ina Tusaysa Xikmadda Abuurka Alle! (3)

Published on May 29 2014 // Googooska Geeska

11Hargeysa (Geeska)- Waa qormo taxane dhowr maalmooda ah oo aynu dhowr sano ka hor ku soo qaadannay, cilmiga bulsho ee ku duugan xayawaanka Maroodiga, qormadan oo aanu mar kale ugu soo celinnay, akhristaayasha aan berigaas fursadda u helin in ay akhriyaan ama xiisaynayey in ay qoraal rogaal celis ah kaga bogtaan waxa aynu cadadkeenna maanta ku soo qaadannay qabtii 3aad ee ugu dambaysay:

Waa tii aynu hore u soo sheegnay in maroodigu leeyahay xasuus xoog badan, laakiin daraasado kale oo dhowaan ay sameeyeen khubaro cilmi-baadhiseed oo u dhashay dalka Japan ayaa daahfuray in uu maroodigu xariif ku yahay hawlaha xisaabta. Waxa ay khubaradu sheegeen in si loo tijaabiyo garashada xisaabeed ee maroodiga ay maroodiyo u dhigeen laba weel oo uu ku jiro tufaax kala badani, markii maroodigii lagu sii daayey inuu cuno waxa uu toos u abbaaray kii uu ku jiray tufaaxa badani, laakiin markii kii laftiisa laga guray tufaaxii badh si uu kan kale uga yaraado waxa la arkay maroodigii oo haddana u baydhaya kii markii hore yaraa ee hadda batay.

Arrinta kale ee xiisaha lihi waa in daraasadahan lagu ogaaday in Maroodiga labka ahi mar walba ka waaxtar iyo iskaashi yar yahay maroodiga dhedigga ah, marar badanna uu gaar uga socdo ama uga go'o maroodiga dhedig. Maroodigu waxa uu cunaa doogga iyo dhirta yar yar ee aan xoolaha kale jeclayn, waxa aanu daaqaa Afar meelood Saddex ka mid ah waqtigiisa maalin kasta. Maroodigu waxa uu cunaa 200 kg oo caws iyo nabaad kale ah maalin kasta, sidaa awgeed inta badan wuu xaalufiyaa kaymaha uu ku badan yahay. Maroodiga oo daaqiisa iyo raamsigiisu badan yahay waxa ay keentay in inta uu nool yahay ugu yaraan 6 jeer ay ka dhacaan gawsuhu una soo baxaan kuwo cusub. Maroodig waxa uu maalintii dhigaa digo culayskeeda lagu qiyaaso 136 kg. oo inta badan xaar-walwaalku aad u jecel yahay kuna dhex noolaado. Maroodigu waxa uu ka baqaa dabka iyo dhawaaqa dheer. Sidaa awgeed marka uu soo weeraro beeraha Asia, beeraleydu waxa ay shidaan xaabo badan iyo qoryo dhaadheer oo inta afka hore laga shido ay kor u qaadaan, waxa aanay garaacaan tanaag iyo aalado dhawaq dheer samaynaya. Waxase been ah sheekada caanka ka dhex noqotay inta badan bulshooyinka dunida ee sheegaysa in Maroodigu uu ka baqo Jiirka. Maroodigu wadkiisa wuu yaqaannaa, marka uu dareemo in geeridiisii soo dhowaatay ama uu xanuun daran dareemo waxa uu tagaa goobaha biyo fadhiisinka ah oo uu jecel yahay inuu ku ag dhinto si haddii uu muddo sii sakaraado ama uu is qaadi kari waayo uu uga cabbo biyaha oo aanu ka maarmin. Inta badan goobaha biyuhu fadhiyaan ayuu ku dhintaa waxaana lagu arkaa lafo xad dhaaf ah oo tuulan. Maroodigu aad ayuu uga baqaa geerida, waa xasaasi marka uu geeri ogaado, didmo badan iyo naxdin ayaa ka muuqata marka uu arko maroodi dhintay ama lafta madaxa ee maroodi kale si weyn hab-dhaqankiisa iyo muuqaalkiisa guudba looga dareemaa cabsida uu qabo. Dhammaad

 

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!